|
Xildhibaan Waqaa: "Waxaa nasiib daro ah in Cabdi Daahir Caga-jabey oo Al-shabaab ka tirsan uu beesha Ceyr u soo xulo xildhibaanadii uga qeyb galaya baarlamanka cusub.."
Mogadishu Khamiis 9 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Xildhibaan Waqaa: "Waxaa nasiib daro ah in Cabdi Daahir Caga-jabey oo Al-shabaab ka tirsan uu beesha Ceyr u soo xulo xildhibaanadii uga qeyb galaya baarlamanka cusub.."
Xildhibaan Maxamuud Cabdulle Weheliye (Waqaa) oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamanka KMG ah uu xiligiisu uu sii dhamaanayo ayaa ku eedeeyey wakiilka Ugaaska beesha Ceyr Ugaas Cabdi Daahir inuu iibsaday xildhibaanada cusub ee beeshaas ku metelaya Baarlamanka cusub ee ay yeelaneyso dowlada soo socota.
Mr. Waqaa ayaa sheegay in wakiilka oo ka mid ah odayaasha dhaqanka Soomaaliyed ee soo xulaya xildhibaanada cusub uu u gudbiyey liis xildhibaano ah oo beeshu aysan raali ka aheyn, kuwaasoo uu xusay inuu lacago ku qaatay, isagoo dhinac iska dhigay wada tashigii uu arintaas kala yeelan lahaa waxgaradka beesha Ceyr.
Xildhibaan Waqaa ayaa sheegay in ay kalsoonidii kala noqdeen Ugaas Cabdi Daahir, isagoo ku eedeeyey inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab uuna ka qeyb galay shirkii ka dhacay degmada Afgooye ee Al-Shabaab ay ugu magac dareen (Kulanaa Usaama), sidoo kale waxaa uu sheegay in Cabdi Daahir uu saxiixay heshiis been abuur ah oo Al-shabaab ay sheegtay sanadkii hore iney la gashay beesha Ceyr.
"Waxaa nasiib daro ah in Cabdi Daahir Caga-jabey oo Al-shabaab ka tirsan uu beesha Ceyr u soo xulo xildhibaanadii uga qeyb galaya baarlamanka cusub, Waayo, kuma dhawaaqin inuu shabaab ka soo baxay, lamana dhaqan celinin markii uu ka yimid, haddii Daahir Cabdi Daahir oo Al-shabaab ahaa uu Ceyr u soo xildhibaano, Shiikh Cali Dheerena Murusade ha u soo xulo, abgaal Kaba-tukude, Fu’aad Shongolena Daarood ha u soo xulo" ayuu intaa ku daray Xildhibaan Waqaa.
Hadalka Xildhibaan Waqaa ayaa ku soo aadaya xili odayaal iyo waxgarad ka tirsan beesha Ceyr oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ay ku eedeeyeen wakiilka Ugaaska beesha Ugaas Cabdi Daahir uu ku takri falay xildhibaanada beeshaas uga qeyb galaya Baarlamanka cusub ee soo socda, iyagoo xusay iney kalsoonidii kala laabteen mana jiro war ka soo baxay Ugaas Cabdi Daahir oo uu kaga jawaabayo eedeeymaha loo jeedinayo.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|