|
Guddiga soo xulista Xildhibaannada Baarlamaanka oo sheegay in Berri ay ku dhawaaqayaan Xildhibaanada cusub ee Soomaaliya
Mogadishu Khamiis 9 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Guddiga soo xulista Xildhibaannada Baarlamaanka oo sheegay in Berri ay ku dhawaaqayaan Xildhibaanada cusub ee Soomaaliya
Maalinta Berri waxaa lagu wadaa in Guddiga farasamada ee xulista xildhibaannada cusub ee Soomaaliya ay ku dhawaaqi doonaan tirada xildhibaannada ay hayaan, iyadoo ay weli jiraan cabashooyin ku aaddan sida lagu xulay xildhibaannada oo ka imaanaysa beelaha qaarkood.
Xarunta ay guddiga farsamada iyo guddiga xallinta khilaafaadka oo ku taalla meel ku dhow garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxaa laga dareemayaa buuq iyo sawaxan fara badan, iyadoo halkaas ku sugan yihiin xubno badan oo doonaya inay ka mid noqdaan xildhibaannada cusub ee dalka oo tiradoodu tahay 275-xubnood.
Wararka la helayo ayaa waxay sheegayaan in guddiga ay gacanta ku hayaan 184 xubnood oo ka mid ah xildhibaanada soo socda, iyadoo mas'uuliyiinta guddiga ay sheegeen in tirada ay hayaan ay berri sheegi doonaan.
Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa ilaalo xooggan ka haya goobta ay ku sugan yihiin labadan guddi, waxaana uu hadalkoosan kusoo beegmayaa iyadoo beeluhu ay aad uga biyo diiddan yihiin sida xildhibaannada lagu soo xulay.
Madaxda dowladda KMG ah ayaa waxay iska fogeeyeen inay faragelin ku hayaan guddiga xulista xildhibaannada cusub, iyadoo xubno guddiga ka tirsan ay sheegeen in lagu hayo faragelinno kaga imaanaya dhinaca madaxda dowladda KMG ah oo aysan u madax-bannaaneyn howshooda
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|