|
Wasiirka koowaad ee Soomaaliya oo sheegay inay adkeyn doonaan Amaanka goobaha ay doorashooyinku ka dhacayaan
Mogadishu Khamiis 9 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Wasiirka koowaad ee Soomaaliya oo sheegay inay adkeyn doonaan Amaanka goobaha ay doorashooyinku ka dhacayaan
Wasiirka koowaad ee dowlada Soomaaliya. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay inay si weyn u adkeyn doonaan ammaanka Muqdisho inta lagu jiro doorashooyinka; isagoo xusay in ciidamada qalabka sida ay diyaar u yihiin xaqiijinta ammaanka goobaha ay doorashooyinku ka dhacayaan.
Mr: Gaas ayaa intaas ku daray in waqtigan adag ee lagu jiro loo baahan yahay in si wanaagsan looga gudbo si taasi loo helana ay dowlada Soomaaliya xilligan ku mashquulsan tahay xasilinta ammaanka Muqdisho oo dad fara badan oo dibadda ka yimid ay soo gaareen.
Sidoo kale, C/wali Gaas wuxuu ka digay in la isku daro doorashada iyo dowladnimada, waxaana rajo ka muujiyay haddii taas la helo in si garbo siman ah loo tartami karo, waxaana uu meesha ka saaray in faragalin ay ku hayaan gudiga farsamada soo xulista baarlamaanka cusub.
"Waan soo dhaweynaynaa diyaaradaha milateri ee Mareykanku uu ku wareejiyay dalka Uganda si ay uga qayb-qaataan xasilinta ammaanka iyo sidii dalka oo dhan looga saari lahaa Kooxda Al-shabaab, mana ahan diyaarado loo keenay inay ilaaliyaan ammaanka goobaha dooashooyinku ka dhacayaan," ayuu ka yiri diyaarado dhawaan lagu wareejiyay Uganda.
Hadalka C/wali Gaas ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli saldhigyada Muqdisho qaarkood la geeyay ciidammo booliis ah oo ka socda dalka Uganda, kuwaasoo lagu wado inay gacan ka geystaan sugidda ammaanka Muqdisho inta doorashooyinku socdaan.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|