Somali News
    Hees  

Warsaxaadadeed cambaareyn oo kasoo baxday beesha Baajuun

Mogadishu Khamiis 9 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Warsaxaadadeed cambaareyn oo kasoo baxday beesha Baajuun

Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 9/8/2012 waxaa markale shir isugu yimid odayaasha siyaasiinta culumaudiinka waxgaradadka haweenka dhalinyarada ku abtirsata beesha baajuun oo hormuud u yahay suldaankooda dili mahdi dili waxay ka xun yihiin dhaca loo geysanaayo beesha baajuun waxaan ka codsanaynaa dhamaan inta dadka xaqa iyo caddaaalada jecel in beesha baajuun masiibo ku habsatey ka dib markii xildhibaan maxamed ismaaciil barakaale oo sheegtay suldaanimo uuna geystay golahii odayaasha soomaaliyeed wiil abti u yahay oo la yiraahdo maxamed alaale oo aan weligiis shir ka qaybgelin waa nasiibdarro markii aan dacwo geynay gudiga xalinta iyo khilaafaadka cid wax ka qabatay ma jirto markii la yiri hala soo xulo xildhibaanada cusub lana sheegay in qof aqoon leh la rabo xataa ugu yaraan dugsi sare ka soo baxay ama wax la mid ah

Markuu arkay in meeshaas uusan ku noqon karin kadib ayuu wiilkiisa u yeeray kuna qoray waa yaabka yaabkiis ma dhaxal baa uu u leeyahay in wiilkiisa uu ku qoro beesha cid akle xaq uma laha miyaa adaa wax kasta sheegtay hadaba guddiga ansaxinta dastuurka iyo xulida xildhibaanada cusub qaranka u sheegeynaa wax alla wixii kasoo baxa ama ay soo gudbiyeen in beesha baajuun aysan aqbali doonin ogaada sidoo kale waxaan u sheegeynaa unpos mahiga igad au iyo beesha caalamka ogeysiinaynaa madaxda qaranka in beesha baajuun xaqoodii lagu tuntay oo aysan raali ka noqon doonin waxa beehsa la dulsaaray horey ayaa loo yiri hal booli nirig xalaal ma dhasho

Beesha baajuun waa beel weyn oo xadaarad fog ku leh waa beel weyn oo ka kooban 18 qabiil oo hadana u kala baxa bana iyo miyuuli iyadoo 60dankii kursigii ay lahaayeen dhac loo geystay ayaa haddana halii laga sii waday iyagoo halkii ay lahaayeen sidii rabo laga yeeshay eesan u madax banaaneyn haddaba duubabka soomaaliyeey beesha baajuun maxay galabsadeen? oo aad uga aamusteen guntii iyo gabagabadii dhamaan dadka ku abtirsada beesha baajuun waa in ay ka hadlaan ninkaan caadaystay in uu rabo siduu uu doono uu ka yeelo isagoo fiirsanaaya danahiisa gaarka ah oouu rabo in uu dhaco xaqooda



waxaa ku saxiixnaay odayaasha iyo nabadoonada

suldaan dili mahdi dili

w.d dr.ali omar abati binfaghi

email dr.abatialfaghi@yahoo.co.uk

 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)