|
Musharixiinta Madaxtinimada Soomaaliya oo Sameystay gole ay ku Midoobeen
Mogadishu Khamiis 9 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Musharixiinta Madaxtinimada Soomaaliya oo Sameystay gole ay ku Midoobeen
Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada muqdisho in kabadan 13 xubnood oo ka mid ah ragga u loolamaya madaxtinimada Soomaaliya ayaa ayay kasoo saareen war saxaafadeed ay ku cadeeyeen in ay sameys teen gole iyaga u gaar ah oo mideeya aragtidooda siyaasadeed iyo xaaladaha guud ee dalku maanta marayo
magaca ay qaateen xubnahani ayaa waxaa uu yahay bah wadaagta qaran ee is badal doon.NATIONAL PARTNERSHIP FOR CHANGE (NPC)
waxay sheegeen in ay isku raacsan yihiin in xaalada dadka soomaaliyeed ay ku jiraan mid musiibo oo halis ah oo halis galinaysa jiritaankeenii umadeed taasina ay meel kasta ka muuqato sida nabad gelyo la.aanta,karti xumo daran oo saameysay hogaanka ugu sareeya ee dalka
mas uuliyiintan ayaa sheegay in ay daneynayaan in ay qeyb ka noqdaan is badalka dalkuu galayo iyaga oo leh ruux iyo hami qaran ayna isku waafaq san yihiin lagama maar maanimada is badal hogaan iyo mid siyaasadeed oo uu dalku yeesho.iyaga oo xusay in musharixiinta kalena ay kusoo dhoweynayaan in ay kusoo biiraan golohooda bah wadaagta qaran ee ay maanta muqdisho uga dhawaaqeen
xubnahan siyaasiyiinta ah oo dhamaantoodba wada ah mas uuliyiin dadka soomaaliyeed ay aad u yaqaanaan ayaa waxay ugu dambeyntii ka digeen in hantida qaranka loo adeegsado olole siyaasadeed waxayna si gaar ah farta ugu fiiqeen hay.adda nabad.sugidda iyo war baahinta qaranka
magacyada xubnahan musharixiinta ah waxaa ka mid ah
1,Xasan Sheekh Maxamuud
2,Xuseen Khaliif jaamac
3,Axmad Ismaaciil samatar
4,Cabdiraxmaan Cabdishakuur warsame
5,Xaaji Maxamad Yaasiin
6,Cumar Salaad cilmi
7,Maxamad Maxamuud guuleed
8,Cabdiraxmaan Macalim sharaf
9,Maxamad Nuur galaal
10,Axmad Muumin warfaa
11,Cabdi Faarax shirdoon
12,Yaasiin Maaxi Macalin
waa markii ugu horeysay ee tiro intaa la eg oo musharixiin u ah hogaanka dalka ay isku aragti ka noqdaan xaalada siyaasadeed aee wadanka ayna yeeshaan kulan kan oo kale ah waxaana si gaar ah uga dhax muuqanayay musharixiintan Dr,Yaasiin Maaxi Macalin oo ah musharax da,yar oo wax kusoo bartay dalka sweden oo uuu ku noolaa mudo 22 sanadood ah iyada oo lagu xusuusto in uu ahaa muwaadin dadka soomaaliyeed ee qaxooti nimada u galay dalkaasi 20 kii sanadood ee ugu dambeeyay si aad ah ugu doodi jiray xarumaha gar soorka dalkaasi isaga oo kuna guuleystay boqolaal soomaali ah oo shaqsiyaad iyo qoysasba isugu jira in uu gacan weyn ka geystay in qaab sharciyeysan looga degaameeyo dalkaasi sweden hadana dalka u jooga sidii uu u qaban lahaa hogaanka dalka qaab dimoqoraadyad iyo doorasho xor ah oo uu ku bad baadin karo umadda soomaaliyeed.


Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|