|
Dowladda Kenya oo xukun 20 sano ku xakumay 7-ruux oo Soomaali ah
Mogadishu Khamiis 9 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Dowladda Kenya oo xukun 20 sano ku xakumay 7-ruux oo Soomaali ah.
Dowladda kenya ayaa waxa ay soo bandhigtay magacyada dad soomaali ah oo 7 ruux gaaraya kuwaas oo ay dul dhigtay xukun gaaraya 20 sano oo xarig ah.
Qaadiga maxkamad ku taala dalka kenya oo magaceeda la yiraahdo Joyce Gandani ayaa sheegay in 7 ruux ee soomaalida ah ee la maxkamadeeyay ay soo qabteen ciidamada badda dowladda Denmark sanadkii 2009ka kuwaas oo u gacan geliyay dowladda kenya , waxana xilliga la soo qabanayay ay damacsanaayeen inay qafaashaan doon galuumeysi oo Sri Lankan laga leeyahay.
7da ruux ee lagu xukumay xukunka gaaraya 20ka sano ayaa lagu kala magacaabaa.
Barre Ali Farah, Abdi Mohammed, Ali Hussein Hassan, Abdulkarim Nur Shire, Bashir Mohammed Ehmi, Abdulrazak Abdullahi Ali iyo Abdulfaruk Hussein Ali.
Qareenka u doodaya wiilashan soomaalida ee burcad badeednimada loo heysto ayaa sheegay in suurto gal aysan aheyn xukunkan oo ay racfaan ka qaadanayaan.
Sanadkii 2006da ayaa dowladda kenya waxa ay xukuntay soomaali loo heysto burcad badeednimo oo ay ku xukuntay 5 sano .
Dowladda kenya ayaa noqoneysa dowladdii ugu horeysay oo xukun sidan u dheer ku ridda burcad badeed soomaali ah.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|