|
Ciyariyahanka C.Ronaldo oo caruurta somaliyeed ugu deeqay lacag dhan 30 million
Mogadishu Khamiis 9 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciyariyahanka C.Ronaldo oo caruurta somaliyeed ugu deeqay lacag dhan 30 million
Ciiryahanka u dhashay dalka Burtuqiiska ayaa sheegay in uu lacagaareysa 30 million uu ugu deeqay caruurta soomaaliyeed ee ku jira Xeryaha dalka kenya.
Ciyaryahan C.Ronaldo oo ka mid ah ciyartoyda dunida kubadda cagta ugu magaca dheer xilligan ayaa waxa uu dhaqaale ugu deeqay caruurta Somaliyeed eek u jira xeryaha qoxootiga ee Dalka Kenya waxana ciyaryahankani ka tirsan kooxda kubadda cagta ee Real Madrid ee ka dhasan dalka Spain isla markaana u dhashay Wadanka Portugal uu shaaca ka qaaday in 30 million.
Ciyaar yahankaani ayaa sheegay in uu Arkay codsi Hey’adda bad baadinta caruurta ee "Save the Children" ay ku dalbaneyso lacago wax looga qabanayo Xaladda Caruurta ku dhaqan Gobolka Geeska Afrika.
Ciyaryahanka ayaa sidoo kale sheegay in saameyn ad u weyn ay ku yeelatay hadalka hey’adu ay ku dalbaneyso qarash lagu badbaadiyo caruur badan oo la il daran Xaalad Nololeed oo la soo deristay isla markaana uu bilaabay in uu dhaqaale ugu uruuriyo Boggiisa Facebook-ga uu ku leeyahay xidigasi.
Muuqaal Video ah oo Ciyaaryahan Ronaldo uu sii daayay ayaa waxa soo badhigay Tv.ga Afka Carabiga ku hadla ee Al-Carabiya waxaa uu ku sheegay in ey ku qaadatay uruurinta lacagtani muddo labo todobaad ah.
"Saameeynta koobaad ee ay igu yeelatay Arintani waa inaan mar qura maqlay Caruur ayaa il daran, isla markaana u baahan kaalmo Deg deg ah si ey u Badbaadaan" ayuu yiri C.Ronaldo oo ka mid ah Ciyaaryahanada Dunida loogu ecelyahay.
"Saameynta kalena waxa ey noqoneysa in an tageero heesta "Hide Tide or Low Tide" oo uu ku luuqeeyo fanaanka Rer Jamaica ee Bob Marley Micnaheeduna yahan "hir ama mowjad yar iyo mid weynba dhinacada ayan ahay" taa oo ku caanbaxday Ololihii Gurmadka Abaaraha ee Sanadkii hore ku dhuftay Somaaliya.
Dhinaca kale ma aha Taageeradii ugu horeysay ee Ciyaryahankani uu siiyo dad Islam ah oo waxa uu lacago siiyay Dadka Reer Falastiin sanadii 2008dii Markii uu ku guuleystay Laacibka Adduunka ee Kubada Cagta.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|