Somali News
    Hees  

Dadweynaha Muqdisho oo isugu soo baxay Wadooyinka Muqdisho si aan horay loo arag loona maqal iyo Musharax Farmaajo oo loo sameeyay soo dhaweyn aad u weyn

Mogadishu Khamiis 9 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Dadweynaha Muqdisho oo isugu soo baxay Wadooyinka Muqdisho si aan horay loo arag loona maqal iyo Musharax Farmaajo oo loo sameeyay soo dhaweyn aad u weyn.

Waxaa wadooyinaka Muqdisho isugu soo baxay dadweyne aad u fara badan, dadweynahaasi wadada isku xirta garoonka Aadan cadde ilaa Maka Al-Mukarama kuwaasoo soo dhoweynaya raisul wasaarihii hore ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo oo saaka soo gaaray magaalada Muqdisho.

Dadweynahan ayaa ka soo yaacay xaafadaha magaalada Muqdisho kadib markii ay maqleen in Farmaajo inuu soo degay, waxaana khal khal iyo ciriiri xooggan galay socodka dadka iyo gaadiidka ee wadada Maka Al-mukarama iyo qeybo kale oo ka mid ah caasimada Muqdisho.

Qaar ka mid ah dadweynaha isu soo baxay dibadbaxa ayaa watay sawirada Farmaajo, waxayna korna u lulayaan sawirka Farmaajo iyo calanka Jamhuuriyada Soomaaliyed, kuwaasoo sidoo kale lagu dhejiyey gaadiidka magaalada qaarkood iyo Xaafadaha Magaalada.

Dibad baxyadan maanta ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa dad badan soo xusuusiyey kuwii sanadkan ka hor ka dhacay magaalada ee looga soo horjeeday inuu xilka ka dego Farmaajo, waxaana Farmaajo oo boqolaal gaadiid ah ay gelbinayaan uu ku soo wareegay jidadka magaalada ee dadweynuhu ay isugu soo baxeen isagoo u gacan haatinaya shacabka inkastoo uusan la hadlin weli.

Raisul wasaarihii hore ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo oo warbahainta kula hadlay garoonka Aadan cadde ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sanad kadib inuu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho, wuxuuna u mahad celiyey dadweynaha soo dhoweyntiisa ka soo qeyb galay.

"Sidoo kale waxaan aad uga xumahay in shaqaalaha dowladda iyo ciidamada inaan muddo dhowr bilood ah la siinin wax mushahar ah, waxaan ugu baaqayaa xukuumada in sagaalka cisho ee ka dhiman bisha Ramadaan ay ku bixiso mushaharooyinka si dadkaasi aysan ciida ugu iman iyagoo an waxba heysan" ayuu yiri Md.Farmaajo oo u muuqda mid Shacbiyad balaaran ku leh Shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale xaalada magaalada qeybo ka mid ah ayaa weli kacsan , waxaana dadka banaanbaxayada sameynayey ay badankood isugu soo tageen taalada sayidka iyagoo ku dhawaqaya ereyo ay ku soo dhoweynayaanMusharax Farmaajo, shucuurtoodana ay kacsan tahay, waxaana dhinaca kale ciidamo fara badan la soo dhoobay wadooyinka si ay ammaanka u adkeeyaan.
















Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)