Somali News
    Hees  

Maraykanka oo kooxaha Burcad badeeda Soomaaliyeed kabad baadiyay doon kaluumaysi.

Mogadishu Khamiis 9 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Maraykanka oo kooxaha Burcad badeeda Soomaaliyeed kabad baadiyay doon kaluumaysi.

Ciidamada badda dalka Maraykanka ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa burcad badeeda Soomaalida ka bad baadiyay doon kaluumaysi oo dalka Iran laga leeyahay.

Sida maanta lagu qoray bogg ay leeyihiin ciidamada badda wadanka Maraykanka ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamo gaar ah oo saaran markab dagaal oo lagu magacaabo USS James E. Williams uu koox burcad badeed Soomaali ah ka bad baadshay doon ay wateen kaluumaysato badankood u dhashay wadanka Iran oo laga soo qafaashay xeebaha gacanka Cuman.

Saraakiil ka tirsan waaxda gaashaandhiga Maraykanka ee Pentagon ka la yiraahdo ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP in doonta la bad baadiyay oo tiradooda gaaraysay 10 ruux 8 ka mid ah waxay u dhasheen wadanka Iran halka 2,da kalena ay ka soo jeedaan wadanka Pakistan.

Jason Salata oo afhayeen u ah qeybta 5 aad ee ciidamada badda wadanka Maraykanka ayaa sheegay in shaqaalaha saaran doonta labad baadiyay ay wada caafimaad qabaan waxaana uu intaa ku daray in kooxdii burcad badeeda aheyd ay baxsadeen.

Jason Salata waxaa uu hadalkiisa ku sheegay in kaluumaysatada ay burcad badeeda Soomaaliyeed ka bad baadiyeen ay geyn doonaanxeebaha wadanka Iran.

Maraakiib badan oo dagaal ayaa ku sugan xeebaha Soomaaliya haddana burcad badeedu waa ay wadaan ugaarsiga gaadiid badeedka.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)