Somali News
    Hees  

Kulan loogu dabaal degayay sanad kaddib markii Al-Shabaab laga saaray Muqdisho oo ka dhacay deg. Warta Nabadda

Mogadishu Khamiis 9 August 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


Kulan loogu dabaal degayay sanad kaddib markii Al-Shabaab laga saaray Muqdisho oo ka dhacay deg. Warta Nabadda

Kulan loogu dabaal degayay sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegatay markii kooxda Al-Shabaab laga saaray magaalada Muqdisho ayaa maanta ka dhacay deg. Warta Nabadda, waxaana kulankaasi looga hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin sanad kaddib waxyaabihii qabsoomay iyo horumarka ay ku tallaabsatay magaalada Muqdisho, qaabka loo adkeyn karo nabadgelyada ka dhalatay magaalada Muqdisho iyo qodobo kale.

Madax ka tirsan maamulada degmooyinka G/Banaadir, ururrada haweenka, boqollaal dadweyne, iyo marti sharaf ayaa ka soo qeyb galay munaasabadda loogu dagaal degayo sanad kaddib isbadaladii ka dhacay magaalada Muqdisho markii kooxda Al-Shabaab laga saaray.

Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda Deeqa C/qaadir Axmed ayaa halkaasi ka jeedisay khudbadda furitaanka kulanka, waxayna sheegtay in heerar kala duwan ay soo martay magaalada Muqdisho, iyadoona sheegtay in sanad kahor xarunta deg. warta nabadda ay heysteen maleeshiyaadka Al-Shabaab, Ilaahey mahadiisna ay maanta dadweynaha Soomaaliyeed u suurtagashay inay sanad kaddib ugu dabaal degaan markii Shabaab laga saaray Muqdisho.

"Waa inaan isugu xiranaa sadex sadex degmo si aan uga shaqeyno amniga, shacabkana ay u soo sheegaan kuwa dhibaatada ka dhex wada" ayay tiri Guddoomiye Deeqa C/qaadir Axmed oo sheegtay in habeen iyo maalin ay u taagan yihiin xaqiijinta amniga.

Waxay sheegtay in dadkawarxuma tashiilka meelaha la meereysanaya ee la leeyahay maamulada degmooyinka way seexdeen" ayey tiri Guddoomiye Deeqa.

Guddoomiyaha G/Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo ka mid ahaa madaxdii ka soo qeyb galay kulankaasi ay isugu yimaadeen shacabka gobolka, wuxuuna khudbad uu halkaasi ka jeediyay si faahfaahsan uga hadlay dhaqamada Al-Shabaab, isagoo uga mahad celiyay Hay'adda Wadahadalka bulshada CCD oo uu sheegay inay ku caan baxday kulamada noocaan ah.

"CCD waxaan uga mahad celinayaa baraarujinta bulshada Soomaaliyeed sidii ay uga tashan lahaayeen aayahooda" ayuu yiri Guddoomiye Tarsan oo sheegay in hay'adani gacan weyn ku leedahay kooxda Al-Shabaab inay maalin cad isaga baxaan magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay Guddoomiye Tarsan in maleeshiyaadka Al-Shabaab aanay ka shaqeyneynin shan arrimood oo diinta Islaamka loo soo dejiyay ayna ka mid tahay in la badbaadiyo dadka cirdigooda, hantidooda, badbaadinta nafta bani'aadamka.

Mudadii ay socotay munaasabadda khudbadaha ay jeedinayeen Guddoomiyaha G/Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa la guddoonsiiyay Disk ay ku duubnaayeen heesta lagu magacaabo "Muqdisho maxay dooneysaa"  oo ay guddoonsiisay Madaxa haweenka hay'adda CCD Sahra Maxamuud Amiin.

Dhinaca kale waxaa halkaasi khudbado kala duwan ka jeediyay Guddoomiyaha haweenka Hay'adda CCD Sahra Maxamuud Amiin, Guddoomiyaha haweenka G/Banaadir Jawaahir Baarqab, Afhayeenka maamulka G/Bnaadir Maxamed Yuusuf kuwaasi oo dhammaantood siyaabo kala duwan uga hadlay sanad kaddib markii Al-Shabaab laga saaray Muqdisho.

Mas'uuliyiintaan waxay kaloo sheegeen in shacabka magaalada Muqdisho ay la gudboon tahay sidii ay u adkeysan lahaayeen nabadda ka dhacday magaalada iyo horumarka ay Muqdisho gaartay sanad kaddib markii laga saaray maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab.










Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)