|
Warar Goos-Goos ah
Somaliweyn - Jowhar--Somalia - 31/01/06
Prof. Geedi Muxuu ka yiri shirka Baydhabo shir jaraa'id uu ku qabtay Magaalada Jowhar
Ra’iisul wasaaraha XFKMG ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay guriga uu ka degan yahay magaalada Jowhar waxa uu ku muujiyey sida uu ugu soo horjeedo go’aanka gudoomiyeha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan oo maalintii shalay uu kaga dhawaaqay magaalada Nayroobi.
Prof. Geedi ayaa ka hadlay sida ay wax u dhaceen inta uu joogay magaalada Nayroobi waxa uuna eeda dusha kaga tuuray gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan, mar uu ka hadlayey go’anka shariifka ayaa waxa uu ku sheegay mid uu ku dag degay islamarkaana uusan kala tashan xubnaha baaralaanka.
Xaqiiqdu waxa ay ahayd oo uu madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf nagu ogaa inaan gobolada dalka magaalo madaxyadooda soo maro oo aan la shirno xubnaha baarlamaanka jooga oo aan ogaano fakarkooda markaa ka dibna uu ku dhawaaqo laakin gudoomiyaha taa waa uu ka dhaga adaygay buu yiri proffesorka.
Baydhabo waa magaaladii ugu horeysay ee loogu talo galay xukuumad baa ansixisay baarlamaan baa ansixiyey marka maanta inuu yiraahdo maanta waxaan go’aaminayaa in baarlamaanka shirkiisu ka dhaco anigu go’aan uma arkaynine waxaan u arkayey xaruntii hore oo baarlamaanka iyo xukuumada u gaareen in dowladu ku shaqayso qaabkii loo hawl galin lahaa oo shirka loogu qaban lahaa oo imkaaniyaadka looga baahan yahay loogu heli lahaa oo amaanka gaar ahaan lagama maarmaan u ah oo laysla meel dhigi lahaa iyo arima kale ee la xiriira sida saadka iyo waxyaalaha ku baxaya shirka, aniga farsamo ayaan ka hadlayey ee kama hadlaynin waxbaan go’aaminayaa kasugi maynin Ra’iisul Baarlamaanka hadii kale taasi waxa ay ka hor imaanaysaa go’aankii hore ayaan markale aniga go’aaminayaa.
Wada tashiyada Waxaa ku qancaya oo masuuliyada wada qaadaya dhamaan xildhibaanada Qaranka iyo wasiirada xubnaheeda marka wada tashiga meeshaasi ka maqan awgiis aniga waxay iigu muuqatay arintu inaysan dhamaystirnayn madaxweynuhu waa madaxweynihii qaranka waa odaygii guud ee dalka arintana dhex dhexaad buu ka ahaa arinta, shariifkana arimahaasi ayaan isla soo qaadnay wana isku afgaran weynay nin ushiisa u go’an tahay ayuu iigu muuqday anigana ma rabin inaan xaalada sii cakiriyo sidaasi ayaana u go’aansaday inaan u daayo waana soo duulay waxaan imiday magaalada Jowhar dhamaana waa la xiriiray hay’adaga Qaranka iyo masuuliyiinta kala duwan cidaan teloofoon kula hadlay iyo kuwo aan shir ugu qabtay oo aan warbixin kusiinayey baarlamaanka soomaaliyeed magaalada Jowhar is afgarad ayeyna ku dhamaatay magaalada Baydhabana shaqo ayay rabtaa go’aan aan aniga Ra’iisul wasaaraha xukuumada ka ahay kasoo baxay ayuu ahaa ee ma ahan ligaalitiga magaalada Baydhabo waxa laga doodayo ee waa meel uu tagayo Madaxweynihii Somalia iyo Ra’iisul wasaarhii Somalia iyo waliba xubnahii baarlamaanka waxaana loo baahan yahay in lasugo amaankeeda.
Maxamed Dheere: Dowlada Gogol Qaran Baynu U Fidinay Haday Guurayaana Waan Sagootin Doonaa Meel Walba Oo Ay ka Degayso dalka Somalia
Buurweyn/Hiiraan

Wafdi uu hogaaminay Gudoomiyaha G/sh/dhexe oo aan ka mid ahaa ayaa waxa aanu safar dhulka ah ku tagnay gudaha gobolka Hiiraan halka lagu magacaabo Buur Wayn oo Jowhar 100Km kaga beegan dhanka waqooyi oo horey u ahaan jirtay xabsi ay isticmaali jirtay dowladii hore ee Siyaad Bare halkaasoo ay ku kulmeen labada gudoomiye ee shabeelaha dhexe Maxamed dheere iyo gudoomiyaha Hiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).
Tuulada Buur Wayn ayaa waxa wafdiga labada dhinac lagu soo dhaweeyey si heer sare ah oo dadweynaha waxa ay tubnaayeen hareeraha wadada isku xerta Hiiraan iyo Jowhar waxayna ku dhawaaqayeen soo dhawaada.
Dadweynaha tuuladaasi ayaa waxa ay sameeyeen qado si heer sare loo soo agaasimay oo ay kasoo qayb galeen wafuuda ay kala hogaaminayeen labad gudoomiye waxaana ugu horeyn ka hadlay gudoomiye k/xigeenka arimaha bulshada gobolka Hiiraan Amiin Xasan Cabdulle (Aaloow) waxa uuna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu gobolka hiiraan looga magacaabo masuuliyadaasi waxana uu balan qaaday inuu wax wayn u qaban doono dadweynaha reer Hiiraan.
Waxaa hadalkii qaatay gudoomiyaha Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo cadeeyey in masuuliyada loo doortay inuu kasoo bixi doono waxii qaladaad ahna uu ugu baahan yahay in ay dadweynaha u saxaan oo aysan ku fiirsan.
Md. Dabageed ayaa sheegay in Sh/Dhexe iyo Reer Hiiraan ay iska kaashan doonaan xaga amaanka iyo arimaha bulshada waxana uu u mahadceliyey gudoomiyaha sh.dhexe Maxamed Dheere.
Dabageed ayaa soo qaatay maahmaah baxday 91kii ee ahayd Caydiid waa Cali Mahdi – Cali Mahdina Waa Caydiid oo uu ula jeeday in labada gobol aysan sidaa noqon doonin oo ay yihiin Hiiraan inay tahay Sh/Dhexe, Sh/dhexena ay Hiiraan tahay oo ay ka dhabaynayaan.





Qudbada Maxamed Dheere oo dhinacyo badan taabanaysa ayaa hadaladiisa waxa ka mid ahaa:
Waxaan aad ugu mahadcelinayaa beesha Baadi Cadde oo muujisay 15sanno waxaan soomaali lagu arag gaar ahaan Hawiye waxa la yiraahdo inay dhagaystaan, waxi la siiyana qaataan, waxay balan qaadaana meeshaasi ugu tagaan oo aysan dib usoo fiirinin, arintaasi oo ah mid u xun diin ahaan iyo dhaqan ahaanba.
Waxaan beesha Baadi Cadde isu carfinay afkooda beesha Baadi Cadde iyo Maamulka Gobolka Hiiraan guud ahaan gaar ahaan 3degmo ee Jalalaqsi, Buurweyn iyo B/Barde waxaadna noo muujiseen oo aad horey nooga balan qaadeen inay run idinka tahay waxaad tirsahayseen inaad dib u liqi doontaan maalintii la garsoori karona oo xaq la garsoorikarana aad maalinkeda la sugaysiin deegaankiina inuu dhismo oo nabad lagu soo dabaalana aad ka shaqaynaysiin waayna idinka muuqtaa waana ka mahad celinaynaa.
Maxamed Dheere ayaa u balan qaaday isagoo kaashanaya Gud. Hiiraan iyo waliga cida uusan ka maarmin in dadweynaha reer Buurweyn uu u raadin doono in loo magacaabo Degmo oo ka codsan doono Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha.
Maxamed Dheere ayaa sheegay in madaxda dowlada ay socod lug ah ku mareen deegaanka Buurweyn lagana soo dhaweeyey dowlada, hadii dowlada sidaasi aad u taageerteen ay idiin diidaan degmo waa abaal laabayaal waxaana idinkugu bishaaraynayaa inaan xooga saari doono sidii aad degmo unoqon lahaydeen waayo Waxaa ii muuqdo inaad diyaar u tihiin qaranimada Somalia.
Maxamed Dheere Gud. Gobolka Sh/Dhexe mar uu ka hadlayey Arimaha Dowlada Federaalka ayaa waxa uu yiri:
Shacabka Gobolka Sh/Dhexe isagoo kaashanaya shacabka Hiiraan ayaa iyadoo la leeyahay dowlada Federaalka dalka soomaaliya cagaha sooma dhigi karto ayaad cadayseen, xaqiijiseen soo dhawayseen ka dhamabayseen in ciida soomaaliya ay cagaha soo dhigi karto gogol Qaranaad fidiseen gogosha qarana waaga agtiina waa ka fidsan tahay anaga kuma xadgudbi doono hadaanu nahay reer Hiiraan iyo reer Sh/Dhexe nahay, hadii cid ku xadgudubta ay jiri doonto anaga ma nihin waaga waa naga ag fidsan tahay waa dhamaystiraynaa mesheey u dhaqaaqaan ayaana u sagootin doonaa haday Xamar aadaan iyo haday Baydhabo aadaana dalabkooda ayaan raaci doonaa hadii ilaahay yiraahdo.
Hadaan dalabkooda wax ka halayna anaga teena waxba kama halay doonto gogoshi Qarana waa u fidinay waana ku nabad galinay waana ku taageeri doonaa yey dalabka isaga dheelin oo bohol ku dhicin.
Haday bohol ku dhicin oo jid xun marin oo jidka toosan maraan xoogeena iyo xoolaheena waala jiraan taageerada intaan u qabanay waa in la taaban karo intakalana waa u dhamaystiri doonaa anaga waa soo dhaweynay waana dhamaystiri doonaa dhibna kama qabno gogosheenana waa gogol Qaran, rag iyo dumar inta Qaran rabtana waa ku fariisinaynaa cadawgana waa ka difaacaynaa.
Madaxda Qaranka Soomaaliyeedna waxaan ka doonaynaa Midnimo iyo mawaafaqo inay ku hogaamiyaan ayaan ka sugaynaa oo ay la yimaadaan isla markaana ay caalamka la macaamilaan, hadaysan iyagu aysan qasaarin anaga ma qasaarin doono mana qasaarin maxaa yeelay salkaan dhulka usoo dhignay dalka Somalia ayaan keenay waa ku difaacnay haba yaraatee saacada la xirto loogama furan amaanka awgiis deegaanada Hiiraan iyo Gobolka Sh/Dhexe.
Maxamed Dheere oo sii hadlay ayaa sheegay in hadii maamul laga hadlayo in loo baahan yahay midnimo waxaana u daran qilaaf madaxda Qarankana waxaan ka sugaynaa inay la yimaadaan Midnimo, Cadaalada iyo hogaan sharaf leh, faro isku fiiq fiiqna ay iska dhaafaan hadii kale iyaga ayaa sharafkooda ciida ku dhici doontaa.
Maxamed Dheere ayaa ka codsaday Dowlada Federaalka in gobolada hiiraan iyo Sh/Dhexe ay u qabtaan wax muuqda maxaa yeelay buu yiri waa meeshii iyagoo circa ka yimi ay cagaha soo dhigeen, waxana ka dalbaynaa inay wanaag nagula dhaqmaan hadaan labadaan gobol nahay.
Ugu danbayntii Maxmed Dheere ayaa ka codsaday bulshadii halkaasi isugu yimi inay la shaqeeyaan madaxda heer gobol iyo heer qaran waayo buu yiri qabiil waad soo aragteen dowlad la’aan waa soo aragteen waa inaad la shaqeeysaan dowladiina iyo gobolkiina ayuu hadalkiisa kusoo afjaray.
Maxamed Dheere Oo Saaka La Kulmay Una Qudbeeyey Ciidamada Qaranka Ee Ku Xareysan Xerada Kongo Ee Duleedka Magaalada Jowhar.
Jowhar
Maxamed Dheere ayaa saaka inta uusan unaba bixin gobolka hiiraan waxa uu qudbad u jeediyey ciidamada Qaranka ee ku xareysan Xerada Kongo ee laga keenay gobolada Hiiraan iyo Puntland.
Qudbadani ayaa keentay kadib markii gudoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf ay ku dhawaqeen in Magaalada Baydhabo lagu qaban doono shirka Baarlamaanka balse uu Maxamed Dheere ka biyo diidsanaa.
Maxamed Dheere ayaa ciidamadaasi u qalay 7 halaad oo Geel ah isla markaana qudbad qiiro leh halkaasi ugu soo jeediyey isagoo u sheegay in aysan joogin dhul shisheeye oo ay joogaan dhul soomaaliyeed ayna yihiin ciidamo qaran hadii loo baahdo inay u guuraan Gobolka Bay uu sagootin doono isla markaana sidii uu usoo dhaweyey uu hadana diyaar ugu yahay inuu u sagootiyo.
Warar aan sal iyo raad midna lahayn oo ay dadweynaha aan joogin magaalada Jowhar ay isla dhex marayeen ayaa sheegayey in ciidamada Puntland iyo Hiiraan ka yimi uu Maamulka Maxamed Dheere hubkii kala wareegay balse ay cadaatay inay shaqadoodii ay wateen wax dareena ahna aysan ku jirin.
Ciidamada ku xareysan Kongo ayaa sida caadada u ah waxa lagu arkaa magaalada Jowhar gudoheeda wax isbadal ah oo ka dhacayna majirin sidoodii bay u joogeen kama muuqan wax dhibaato ah oo ay tabanayaan.
Dhanka kale ilaalada Madaxtooyada Guriga Madaxweynaha ayaa wax isbadal ah laga dareemin waxa ayna wateen hawlahoodii caadiga ahaa qaar ka tirsan ciidamadasi oo aan la sheekeystay ayaa ii muujiyey inay ku kalsoon yihiin halka ay joogaan oo aan wax dhib ah loo geysan iyo wax isbadal ahba.
Guud ahaan magaalada Jowhar ayaanan wax dareen ah ka jirin waxaana la filayaa inuu Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf uu kusoo beegan yahay maalmaha soo socda.

Maxamed Cabdulle Xasan (SIIDI)
Jowhar-Somalia
siidmohamed@hotmail.com
siidi@somaliweyn.com
Somaliweyn Media Center
|