Somali News
    Hees  

Danjire Mahiga: “Uma dul qaadan doono cidii caqabad ku noqota xaaladda dalku marayo ee la dooonayo in ku meel gaarnimada looga baxo looma dul qaadan doono cid doonaysa inay danteeda siyaasadeed fushato”

Mogadishu Talaado 10 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 



Danjire Mahiga: “Uma dul qaadan doono cidii caqabad ku noqota xaaladda dalku marayo ee la dooonayo in ku meel gaarnimada looga baxo looma dul qaadan doono cid doonaysa inay danteeda siyaasadeed fushato”

Wakiilka Q,M u qaabilsan arrimaha Soomaliya danjire Augustina Mahiga oo ka hadlay xaaladda uu hadda dalku ku jiro ayaa waxaa uu digniinu diray cid kasta oo loo arko inay carqaladayso hanaankalooga baxayo xaaladda KMG ee dalku hadda ku jiro.

Hadalkaan oo uu Mahiga ku warqad uu diray Soomaalida dibadaha ku nool ayaa waxaa uu tilmaamay in xilligaan kadib aysan beesha caalamku u dul qaadan doonin in carqalad lagu abuuro qorshaha hadda socda ee la doonayo in dalka looga saaro ku meel gaarinimada loona gudbo dawlad buuxda oo uu wadanku yeesho.

Danjire Mahiga waxaa uu xusay in xisbiyada siyaasadeed iyo shaqsiyaadka kale oo doonaya inay qasaandoorashooyin madaxtinimo ee lagu wado in dhawaan dalka ka dhacaan ay beesha caalamku ka qaadi doonto tilaabo lagu ciqaabayo.

“Uma dul qaadan doono cidii caqabad ku noqota xaaladda dalku marayo ee la dooonayo in ku meel gaarnimada looga baxo looma dul qaadan doono cid doonaysa inay danteeda siyaasadeed fushato” ayuu yiri Augustina Mahiga oo Q,M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya waxaana uu inrtaa ku daray Soomaaliya ay dhibaato ugu filantahay mudada 20 sano ka badan ee ay qaska ku jirtay.

Mahiga waxaa uu dhanka kale ka dalbaday Soomaalida qurbo joogta ah inay dooorkooda ka qaataan dadaalada la doonayo in Soomaaliya ku hesho dawlad buuxda oo ay ka baxdo KMG sida uuyiri waxaana uu tilmaamay in la joogo waqtigii ay Soomaalida dibadaha jooga ay ka shaqeyn lahaayeen mustaqbalka wadanka .

“Caalamku hadda wuxuu u diyaarsan yahay in Soomaaliya cagaheeda isku taagto ee yka faa’idaysta” ayuu sidoo kale Wakiilka Q,M ee Soomaaliya waxaa uusidoo kale soo hadal qaaday arrimo ay ka mid yihiin halka uu marayo qoraalka dastuurka qabyo qoraalka Soomaaliya iyo hawlgalada ay ciidamada dawlada, kuwa AMISOM ka wadaan gobolo ku yaala Soomaaliya iyo arrimaha Road-Mapka.

Q,M iyo dawlada Maraykanka ayaa horey digniin ugu diray shaqsiyaad ay ugu yeereen inay qas ku hayaan qorshaha Roadmapka

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)