|
Madaxweyne Shariif " Odayaasha Dhaqanka faraha kala baxaan Ansixinta Dastuurka Qabyada ah
Mogadishu Talaado 10 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaxweyne Shariif " Odayaasha Dhaqanka faraha kala baxaan Ansixinta Dastuurka Qabyada ah
Shariif Sheikh Axmed Madaxweynaha DKMG Soomaaliya, ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka ee ku shiraya Muqdisho inay faraha kala baxaan ansixinta dastuurka oo lagu wado in maalmaha soo socda uu ka dhaco magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Shariif ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu xarunta madaxtooyada shalay kula yeeshay odayaasha dhaqanka, isagoo u sheegay in ansixinta dastuurka loo daayo ergada ay soo xulayaan ee tiradoodu tahay 825-ka xubnood.
Malaaq Shiino " Madaxweynaha wuxuu naga codsaday inaan faraha kala baxaan ansixinta qabyo-qoraalka dastuurka aana u gudbinno ergooyinka aan soo xulayno," ayuu yiri oo ka mid ah odayaashii kulanka la qaatay madaxweynaha
Dalabka madaxweynaha Soomaaliya ee ku aaddan inay odayaasha aysan lug ku yeelan ansixinta qabyo-qoraalka dastuurka ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo odayaasha dhaqanka ay dhawaan ka hadleen saddex qodob oo dastuurka ka mid ah kuwaasoo mid ka mid ah ay ogolaadeen halka laba kalena ay diideen.
Hadalka madaxweynaha Soomaaliya ee ku aaddan odayaasha dhaqanka ayaa kusoo beegmaya iyadoo lagu wado in maalmahan uu ka furmo Muqdisho shir lagu ansixinayo dastuurka qabyada ah ee Soomaalia.
Waxaa jira hadallo ay murashaxiinta u tartamaya xilka madaxnimo ee Soomaaliya ay ku eedeeyaan madaxda dowladda KMG ah, kuwaasoo ay ku sheegaan inay iyagu isku koobeen la kulanka odayaasha dhaqanka si iyaga mar kale dib loogu soo doorto.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|