|
Mark Bowden oo Garowe kula kulmay Madaxda Puntland
Mogadishu Talaado 10 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Mark Bowden oo Garowe kula kulmay Madaxda Puntland.
Wefdi oo heer Caalami ah oo uu Hogaaminaayo Xiriiriyaha bani,adamnimada Qaramada Midowe ee Soomaaliya Mark Bowden ayaa kulan albaabada u xiranyahay kula qaatay xarunta madaxtooyada madaxweyne Faroole iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada.
Madaxweynaha iyo Mark Bowden oo markii uu kulankaasi soo gaba gaboobey kadib saxaafadda si wada jir ah shir u qabtay ayaga ka warbixiyey waxyaabihii ay isla soo qaadeen.
Dr. Faroole oo ugu horeyn hadalka qaatay, ayaa xusay in waxyaabaha ugu waaweyn ee ay wefdiga Qaramada Midoobey ka socda ka wada hadleen ay kamid yihiin: sidii wax looga qaban lahaa deegaanada ay abaaruhu ka jiraan ee ku yaal dhulka xeebaha ku teedsan ee Puntland iyo weliba sidii kor loogu qaadi lahaa nolosha dadka barakacayaasha ah sidoo kale mashaariic horumarineed oo looga fulin lahaa deegaanada laabka ah ee ka durugsan jidka weyn ee gobolada degaankaas isku xira.
Mark Bowden,Xiriiriyaha Qaramada Midoobey ee gargaarka Soomaaliya oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay booqashada uu ku yimid Puntland.
Wuxuuna intaas raaciyey in dhankooda ay ka go'an tahay inay wax ka qabtaan baahiyaha dhinaca bini aadminimada ah ee ka jira Puntland, isagoo xusay in Puntland ay hayso jidkii horumarka.
Booqashada ay wefdigan ka socda UN-ku ku yimaadeen Puntland ayaa kusoo beegmeysa xilli ay abaaro daba dheeraaday ka jiraan qaybo kamid ah gobolada Karkaar iyo Bari, kuwaas oo mudo 5 sano ka badan aysan wax roobab ahi ka di'in.


Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|