Somali News
    Hees  

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG ah oo xalay lagu dilay Degmada Dharkaynlay.

Mogadishu Talaado 10 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG ah oo xalay lagu dilay Degmada Dharkaynlay.

Waxaa xalay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka, xilli uu ku socday gurigiisa, waxaana kooxaha dilka geystay u suurogashay inay ka baxsadaan goobtii ay ku dileen Sarkaalka.

Macallin Cabdulle Cali Hillowle Guddoomiyaha degmada Dharkeynley ayaa saxaafadda u sheegay in dilkaas ay geysteen kooxo bastoolado ku hubeysan, ayna socdaan baaritaanno lagu raadinayo kooxihii falkaasi ka dambeeyay.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Muuse Jinaqeey, kooxaha dilay sarkaalkaasi ayaa ahaa iyagu ahaa kuwo ku hubaysan Bastoolado, waxaana la sheegay in sarkaalka la dilay uu xiligii la dilaayay uu ka yimid daawashada Garoon ciyaar laga fiirsanayay, wuxuuna sheegay guddoomiyaha degmada Dharkeynley in kooxihii dilay sarkaalkaasi ay baxsadeen.

Waxaa sarkaalka lagu dilay agagaarka saldhigga galbeed, iyadoo ciidamada Dowladda KMG ah ay saakay baaritaano ka wadaan degmadaasi, inkastoo aysan weli jirin koox sheegatay mas'uuliyadda dilkaas.

Dhanka kale Magaalada Muqdisho ayaa waxaa tan iyo markii ay Al-shabaab isaga baxday ka dhacayay dilal qorsheysan oo lala bartilmaameedsanayo dadka shacabka, suxufiyiinta, shaqaalaha dowladda iyo saraakiisha ciidamada dowladda KMG ah, iyadoo kuwii ugu dambeeyayna ay ka dahaceen Degmooyinka Wadajir iyo Dharkaynlay oo iyagu dilalka joogto ka noqdeen.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)