Somali News
    Hees  

Seekh C/raxmaan Abuu Cabdalla : "Ganacsatada iyo Beeraleyda Gobolka Shabeelada hoose waa inay ka qeybqaataan jihaadka"

Mogadishu Talaado 10 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Seekh C/raxmaan Abuu Cabdalla : "Ganacsatada iyo Beeraleyda Gobolka Shabeelada hoose waa inay ka qeybqaataan jihaadka".

Ururka Al-shabaab ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo Beeraleyda gobolka shabeelada hoose inay ka qeyb qaataan waxaa uu ugu yeeray jihaadka lagula jiro Ciidamada dowlada iyo kuwa AMSIOM.

Wakiilka Al-shabaab ee Gobolka Shabeelada Hoose Seekh C/raxmaan "Abuu Cabdalla" ayaa sheegay in cid kasta oo ku nool Gobolka Shabeelada hoose laga doonayo inay Nafteeda iyo maalkeeda ku bixiso dagaalka lagula jiro Dowlada iyo AMISOM.

"Ganacsatada iyo Beeraleyda Gobolka Shabeelada hoose waa inay ka qeybqaataan jihaadka"ayuu cod dheer ku yiri horjoogaha Al-shabaab ee gobolka Shabeelada hoose.

Abuu Cabdalla ayaa ku eedeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM inay dhibaatooyin u geystaan shacabka ku nool Gobolka Shabeelada Hoose, isagoo tilmaamay in rag ku labisan dareyska ciidamada ay dhac u geystaan shacabka.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)