|
Ciidamada xoogga dalka oo howlgalo lagu sifeynaayo Tuugada ka sameyay qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir
Mogadishu Arbaco 11 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidamada xoogga dalka oo howlgalo lagu sifeynaayo Tuugada ka sameyay qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Cutubyo ka tirsan Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa caawa xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ka wada howlgal lagula dagaalamayo tuugada.
Ciidammada ka tirsan Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgalkooda waxa ay ka sameeyeen xaafadaha Juungal, Fagac, Siisii iyo xaafada Toowfiiq oo dhammaantood ka wada tirsan degmada Yaaqshiid ee magaaladda Muqdisho.
Hawlgalkaan ayaa waxaa lagu go’aamiyey shir looga hadlayey sidii loo sugi lahaa Xaaladda nabadgalyo ee caasimadda muqdisho iyadoo uu shirkaasina ka dhacay maalintii shalay hotelka Lafweyn ee ee degmadda Kaaraan.
Shirkaasi oo ay iskugu yimaadeen,waxgaradka,maamulka degmada,kan gobolka iyo Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida oo iyagu Wadajir isugu raacay in lala dagaalammo cid walba oo amniga lid ku ah.
Saraakiil ka tirsan Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo aynu la xiriiray ayaa iyagu wax faah faahin ka bixinin howlgalkan sida uu u socdo waxaase ay ballan qaadeen iney saacadaha soo siocda saxaafadda usoo bandhigi doonaan natiijada howlgalkan lagula dagaalamayo kooxo xiliyada habeenkii ah dhibaatadda u geysanaya dadka xaafadahaasi ku nool, iyagoo maalamihii la soo dhaafay ka cabanaayay ciidamo ama rag ku labisan Dareeska lagu yaqaan ciidamadda dawladda KMG ah.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|