|
Digniin ka soo baxday safiirka Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika Mudane: Sayid Xasan Shariif C/laahi
Cape Town Arbaco 11 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Digniin ka soo baxday safiirka Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika Mudane: Sayid Xasan Shariif C/laahi
Safiirka soomaaliya ee dalka koonfur Afrika mudane Sayid Xasan Sharif C/laahi waxuu ogeysiinayaa Soomaalidda ku nool dalka koonfur Afrika inaan wali la bilaabin adeegii bulsho ee safaaradda ka bixi lahaa.
Sida darteed waxaan ku wargalineynaa shacabka soomaaliyeed ineysan ku deg degin wararka been abuurka ah ee sheegaya iney safaaraddu biloowday howlaheedii shaqo.
Safaaraddu waxey si xoogan u beeninaysaa warkaas kutiri kuteenta ah ee suuqa soo galay.
Safaaraddu waxay si rasmi ah u wargelin doonta dadweynaha Somaliyeed ee ku nool dadlka Koonfur Africa iyo Bahda Saxaafadda ee South Africa markii ay shaqada iyo adeega bulsho ay bilaabato
Mahadsanidiin
Sayid Xasan Shariif Cabdullahi
Safiirka Soomaaliya ee dalka koonfur Afrika
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|