Somali News
    Hees  

Maamulka Gobolka Sh/Dhexe oo sheegay inay isku soo dhiibeen dagaalyahano ka tirsan kooxdda Al-Shabaab

Mogadishu Arbaco 11 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Maamulka Gobolka Sh/Dhexe oo sheegay inay isku soo dhiibeen dagaalyahano ka tirsan kooxdda Al-Shabaab.

Af-hayeenka maamulka gobolka shabeelaha dhexe ninka lagu magacaabo Daa'uud Xaaji Cirro Afhayeenka Maamulka Gobalka Shabeelaha dhexe oo la hadlaayay Saxaafadda Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay inay xiligaan haayaan rag ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo isku soo dhiibay, kadib markii ay ciidamadda dawladda la wareegeen degmadda Balcad isla markaasna ay haatan horay ugu sii durgaayaan degmooyin ka kale ee gobolkaasi.

Afhayeenku waxaa uu sheegay maamulka in raga isa soo dhiibay ay gaarayaan ilaa shan ruux oo kasoo goostay Kooxdda al- Shabaab isagoo intaasi si raaciyay inay haatan haayana ragaasi dhawaana u soo bandhigi doonaan saxaafadda maxaliga ah ee dalka.

Daa'uud Xaaji Cirro waxaa kaloo uu intaasi sii raaciyay in sidaas oo kale ay gacanta ku dhigeen wax uu ku sheegay amiir beenaadkaas oo kooxdda Al-Shabaab u qaabilsanaa degaanka Golaleey ee degmadda Balcad balse ay sii daayeen.

Af-hayeenka waxa uu tilmaamay in shanta ruux ee isa soo dhiibtay in iminka la joogaan maamulka dowladda ee Gobalka Shabeelaha Dhexe si wanaagsana loo soo dhaweeyay Maleeshiyaadkaasi.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)