|
Maamulka Safaaradda Soomaaliya ee Koonfurta dalka Sudan oo ka warbixiyay xaaladda Soomaalida ku nool dalkaasi
Mogadishu Arbaco 11 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Maamulka Safaaradda Soomaaliya ee Koonfurta dalka Sudan oo ka warbixiyay xaaladda Soomaalida ku nool dalkaasi
Maxamed Cusman oo ah Safaaradda Soomaaliya ee dalka Konfurta Sudan ayaa ka warbxiyay xaaladda nololeed ee dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi iyo adeegyada ay u qabato.Safaaradda intii yareeyd ee ay furneeyd.
Safiirka Soomaaliya ee dalkaasi Maxamed Cusman oo wareysi siiyay Ragga wararka isagoo ku sugan magaala madaxdda dalkaasi ee Jubba ee haatan hal sano jirsaday ee Konfurta Sudan ayaa sheegay in Safaaraddu u shaqeyso Soomaalida ku dhaqan dalkaasi, una qabato wax kasta oo ay safaaradda uga baahdaan.
Safiirka ayaa Hadalkiisa intaas ku daray in Soomaalida ku dhaqan dalkaasi ay u badan yihiin ganacsato in muddo ah halkaasi ku ganacsanayay , isla markaana ay si wanaagsan isugu xiranyihiin Jaalidda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi iyagoo safaaraddana ka helaan wadashaqeyn iyo adeeg kala duwan.
Dalka Konfurta Sudan ayaa haatan hal sano jirsaday ka dib markii ay Suudaan inteedda kale ka,goday ayna kamadax banaanyihiin dalweynaha sudaan leeysku oran jiray waxaana halkaasi ka jira ganacsi xoog leh ku abuurtay ganacsato Soomaaliyeed, iyadoo dowladda KMG ah ay dalkaasi ka furtay Safaarad maadaama dalkaasi uu cilaaqaad wanaagsan la leeyahay Dalka iyo Dadka Somliyeed.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|