Somali News
    Hees  

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ah oo goor dhaweyd la wareegay deegaanka Laanta Buuro ee G/Sh/Hoose

Mogadishu Arbaco 11 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ah oo goor dhaweyd la wareegay deegaanka Laanta Buuro ee G/Sh/Hoose

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose Axmed Cumar Mudane ayaa sheegay in goor dhaweeyd ay u suura gashay inay lawareegaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa AMISOM deegaanka laanta buure ee gobolkaasi,kadib markii ay saaka weerar qorshaysan ay ku qaadeen deegaankaasi halkaasi oo ay la wareegeen Kooxdii al shabaab ee ku sugneeyd.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca Nabadgalyadda maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose Axmed Cumar Mudane ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay hada ku sugan yihiin deegaanka laanta buuro halkaasina ay ka saareen sida uu sheegay Maliishiaadkii Kooxdda Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaankaasi.

Gudoomiyeku-xegeenku Wuxuu sheegay in weerarka ay si wadajir ah u qaadeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo sidoo kale kuwa dowladda soomaaliya aysana jirin wax khasaare ah oo dhankooda ka soo gaaray.dagaalkaasi

Md Axmed Cumar ayaa sheegay in goor dhaweyd isaga iyo ciidamo uu wato ay ka soo noqdeen deegaanka Muuri oo ka tirsan Shabeelaha Hoose islamarkaana aysan jirin Maliishiyaad ka tirsan Kooxdda Al-Shabaab oo halkaasi ku suganaa.

Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan Gobalka Shabeelaha Hoose iyo kuwa dowladda soomaliya ay dagaal kula jiraan Kooxdda AL-Shabaab islamarkaana doonaya in guud ahaan Gobalkaasi ay ka saaraan si ay mar kale dib ugau soo noqoto nabadii iyo adeegyadii Bulshadda ee ka jiray gobolkaasi

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)