Somali News
    Hees  

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad: "Destuurka waa in laga saaraa qodobada meel ka dhaca ah ayaan ku dhahnay Ra'iisul wasaaraha"

Mogadishu Arbaco 11 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad: "Destuurka waa in laga saaraa qodobada meel ka dhaca ah ayaan ku dhahnay Ra'iisul wasaaraha"

Maxamed Xasan Xaad Gudoomiyaha odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye oo warbaahinta la hadlaya ayaa sheegay in R/wasaaraha Xukumada Soomaaliya ay kala hadleen shalay mar uu booqaday Odayaasha in dastuurka laga saaro qodobada meelkadhaca ku ah Diinta iyo jiritaanka qarannimada Soomaaliyeed.

Waxaa uu tilmaamay Gudoomiye Xaad inay ka dalbadeen R/wasare C/weli in Dastuurka si cad loogu qeexo caasimada Soomaaliya ee muranka ugu xoogan uu ka taaganyahay kadib markii laga waayay dastuurka la doonayo in la ansaxiyo 12-ka bishan qodob si cad u qeexayay Caasimada.

Sidoo kale Gudoomiye Xaad ayaa walaac ka muujiyay qodobka ka hadlayay qaangaarnimada, isagoo xusay in qodobkaasi ka hadlayay qaangaarnimada uu meel ku dhac ku yahay diinta Islaamka iyo jiritaanka qaranimada Soomaaliyeed.

"Waxaan ku niri R/wasaaraha halaga saaro dastuurka qodobada meel ka dhaca ku ah Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaalida" ayuu yiri Xaad oo aan xusin in R/wasaraha uu ka aqbalay iyo in kale.

Dhinaca kale hadalka gudoomiye Xaad ayaa imaanaya xili Odayaasha dhaqanka lagu wargeliyay inaysan ka hadli karin dastuurka.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)