|
Fazul C/lla oo la sheegay inuu qorsheynaayay weeraro uu ka geysto dalka Ingiriiska
Mogadishu Khamiis 12 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Fazul C/lla oo la sheegay inuu qorsheynaayay weeraro uu ka geysto dalka Ingiriiska
Sida ay maanta qoreen wargeysyo ka soo baxa wadanka Canada hogaamiyihii Al-Qacidada geeska Africa Fazul C/lla Max’ed oo ay
sanadkii hore toogasho ku dileen ciidamada dawrlada inuu wada qorshe eweeraro looga gaysanayo wadanka Ingiriiska.
Wargeyska Canadian Daily ayaa ku waramaya asagoo soo xiganaya saraakiisha amaanka wadanka Ingiriiska in Fazul uu maleegayay in
weeraro ay ka geystaan goobo ay dad Isra’eliyiin ah ku leeyihiin magaalada London ee xarunta wadanka Ingiriiska.
War bixinta uu qoray wargeyskaan waxaa uu ku sheegay in dukumiintiyo la helay markii la dilay Fazul kadib ay ku qornaayeen in xubno
Xarakadda Al-Shabab ka tirsan ay weeraro k a geystaan wadanka Ingiriiska weeraro si gaar ah loola bartilmaamaysano xarumo ay
leeyihiin dad Yahuud ah oo London ku yaala.
Goobaha ay warbixintu xusayso waxaa ka mid ah Eton College oo ay arday Israeliyiin ah wax ka bartaan iyo xarumo ay ka mid yihiin Stamford
Hill iyo Golders Green ooo ay ku nool yihiin tobanaan kun oo Yahuudah.
Sidoo kale wargeyska The Toronto Star oo ka soo baxa magaalada Toronto waxaa uu qoray in dukumiintiga la helay oo ciwaan looga dhigay "Hawlgalka Caalamiga"ayaa waxaa uu qorshaha ahaa in la fuliyay weeraro ay ka mid yihiin dilal, qaraxyo iyo afduub loo gaysto dad Israiliyiin
ah oo London degen.
"Ujedkeenu waxaa uu yahay inaan geysano weeraro khasaaro nafeed geysta oo aanku waxyeeleyno dad Yahuuda ah" ayay sheegeen wargeysyadu inay ku
qornaayeen dukumiintiga la qoray ee Fazul C/lla Max’ed oo ahaa hogaamiyihii Al-Qacidada geeska Africa.
Fazul oo u dhashay jaziiradaha Comoros waxaa lagu eedeyay inuu ka dambeeyay weeraro lagu qaaday safaarado Maraykanku ku lahaa wadamada
Kenya iyo Tanzania sanadkii 1998 kuwaasoo ay ku naf waayeen dad ka badan 224 oo ruux waxaana la sheegaa inuu ahaa nin aad ugudhaw
hogaamiyihii Al-Qacida Sh,Osama Bin Laden.
Fazul C/lla sanadkii hore ayay aheyd markii ay ciidamada dawlada toogashoku dileen Fazul C/lla oo xilligaas si qaldan u soo galay bar control.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|