Somali News
    Hees  

Afhayeenka AMISOM: "Guul ayuu ahaa howlgalkii shalay ee Gobolka Sh/Hoose, wuuna soconaayaa howlgalka AMISOM ee ka dhanka ah Al-Shabaab...."

Mogadishu Khamiis 12 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Afhayeenka AMISOM: "Guul ayuu ahaa howlgalkii shalay ee Gobolka Sh/Hoose, wuuna soconaayaa howlgalka AMISOM ee ka dhanka ah Al-Shabaab...."

Col. Cali Aadan Xaamud oo ah Afhayeenka AMISOM ayaa sheegay in howgallada ay ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ku qabsadeen deegaanka Laanta buuro uu sii socon doono, isagoo sheegay in howlgalka laga sii wadayo Gobolkaasi.

Afhayeenka ayaa sheegay in howlgalkii lagu qabsaday Laanta-buuro uu ku dhacay sidii loogu talogalay, isagoo xusay inay doonayaan inay gaaraan deegaanno kale oo ka tirsan gobolkaas.

"Guul ayuu ahaa howlgalkii shalay ee Gobolka Sh/Hoose, wuuna soconaayaa howlgalka AMISOM" ayuu yiri Col. Cali Aadan Xaamud oo ah Afhayeenka cusub ee Ciidamada AMISOM.

Afhayeenkan cusub ee AMISOM ayaa horay u sheegay in sababta Afhayeenka looga dhigay inay tahay inuu shacabka Soomaaliyeed iyo Suxufiyiinta inuu wararka ku siiyo Afka Soomaaliga.

Dhinaca kale Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ayaa howlgalo balaaran oo ay Al-Shabaab kaga saarayaan Gobolka Sh/Hoose wada, iyadoo guulhii ay gaareen Ciidamada isbahaystay ee ugu dambeeyay inay tahay tii ay shalay kula wareegeen deegaanka Laanta-Buuro.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)