Somali News
    Hees  

Fannaaniinta kooxda Qeyla dhaan oo booqatay xeebta Jasiira + Daawo Sawirro

Mogadishu Khamiis 12 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Fannaaniinta kooxda Qeyla dhaan oo booqatay xeebta Jasiira + Daawo Sawirro

Labada fannaan ee ka tirsan kooxda Qeyla Dhaan Cabdi Shire Jaamac Jooqle iyo C/Xakiim Farayare ee ka yimid qurbaha ayaa Jimcihii labaad ku qaatay xeebta Jasiira oo duleedka magaalada Muqdisho.

Madax ka tirsan Dowladda KMG ah, xubno Qurba-joog ah oo xeebta Jasiira ku dalxiisaya, maamulada qaar ka mid ah degmooyinka G/Banaadir iyo dadka degaanka Jasiira, kuwaasi oo iyagu caleemo qoyan iyo damaashaad ku soo dhoweeyay fannaaniinta kooxda Qeyla dhaan, iyagoo sheegay in booqashada fannaaniintani ay u tahay mid farxad weyn ku beertay.

Guddoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) oo ka mid ahaa madaxdii ka qeyb qaadatay soo dhoweynta fannaaniinta, wuxuuna ku ammaanay fannaaniinta sida geesinimada leh amaba ay u jebiyeen fikradihii qaldanaa ee Muqdisho ay ka qabeen qurba joogta in dalkooda ay ka cabsadaan.

"Waxaad muujiseen tallaabo geesinimo oo ku dayasho mudan, u sheega qurba joogta kale ee dalkooda ka cabsanayaa inay been tahay wararka qaldan ee laga faafiyay Muqdisho iyo dalka gedigiis oo dhan" ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Daaci.

Sidoo kale Guddoomiyaha Warta Nabadda Deeqo C/qaadir Axmed oo ka mid ahayd xubnihii soo dhoweeyay fannaaniinta kooxda Qeyla Dhaan ayaa sheegtay in fannaaniinta kooxdaani ay arkeen isla markaana ka maqsuudeen hilowga ay u qabaan dadkooda Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Jimcihii labaad oo fannaaniinta kooxda Qeyla Dhaan ay ku tageen xeebta aadka u dheer ee Jasiira waxay sheegeen isla markaana hoosta ka xariiqeen inay farxad weyn u tahay taasi oo uga dhigan 20-kii sano ee ay joogeen qurbaha inay uga qiimo badan tahay labadii toddobaad oo ay Muqdisho ku sugnaayeen.

Dadweyne fara badan oo iyagu u badnaa dadka degaanka Jasiira ayaa markii ay maqleen in xeebta Jasiira ay ku sugan yihiin Fannaaniinta kala ah: Cabdi Shire Jooqle iyo C/Xakiim Farayare ku soo qulqulay halkii ay ku sugnaayeen, kuwaasi oo ka codsaday in fannaaniintu ay ku dhuftaan labada hees.

Fannaaniinta oo tixgelinaya codsiga dadweynaha ayaa iyadoo ay la socdaan Fannaanada weyn Surqa C/llaahi (Surqa Yarey) iyo Muusikiiste Maxamed Weli waxay ku dhufteen laba hees oo kala ah: Calanka iyo Dhamow soo dhowow, taasi oo si weyn ay ugu farxeen boqolaal dadweyne ah oo ku damaashaadayay xeebta quruxda ee Jasiira.






























Waxaa Diyaariyay:
Jabriil M. Nuur (Jabra)
jabriil@journalist.com

Sawir qaade:
Abakar Shaxam Laxam

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)