Somali News
    Hees  

Odayaasha Dhaqanka Dhuusamareeb iyo mareer guur oo si aad ah u soo dhaweeyey Musharaxa Prof. Saciid Ciise Maxamud

Mogadishu Khamiis 12 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Odayaasha Dhaqanka Dhuusamareeb iyo mareer guur oo si aad ah u soo dhaweeyey Musharaxa Prof. Saciid Ciise Maxamud

Prof. Saciid Ciise Maxamud oo u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya ayaa xaflad qado sharaf ah waxa loogu sameyay hoyga Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur halkaas oo sidoo kale xafladda ay kasoo qeybgaleen madax dhaqameedyada kala duwan ee beelaha daga gobolka Galgaduud.

Kulanka qadada ayaa ugu horeyntii waxaa ka hadlay Musharaxa madaxtinimada Prof, Saciid Ciise oo sheegay in sababta u yimid gobolka galgaduud ay tahay in dadkiisa uu ka helo taagerada musharaxnimada uu u taagan yahay.

Sidoo kale Odayaal Dhaqameed ayaa soo dhaweyay In musharax u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee Soomaaliya uu soo gaaro gobolka Galgaduud isagoo dadkiisa taagero ka raadinayo iyagoona odayaasha dhaqanka ugu duceeyay halkaasi Prof, Saciid Ciise Maxamud.

Nabadoon Cartan Sheeikh Doon oo ku hadlay magaca odoyaasha ayaa sheegay iney u duceeynayaan Prof, Saciid ayna taagero kasta uu u baahan yahay la garabb galayaan.

Prof, Saciid Ciise Maxamud ayaa aad usoo dhaweyay in odayaasha Gobolka Galgaduud ay taagero u fidiyeen musharaxnimadiisa xilka madaxtinimada Soomaaliya, ayna taasi ku dhiira galinayso in howshiisa uu si laba-laabo.

Madax dhaqameedyada kasoo qeyb gashay waxa kamid ahaa.

1. Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur

2. Nabadoon Cartan Sheikh Doon

3. Nabadoon Jaamac Bootaan

4. Nabadoon Maxamed Muuse

5. Nabadoon Yaasin Xaashi Ugaas

6. Nabadoon Ciise maxamed Maxamud

7. Nabadoon Maxamed Rogamey

8. Nabadoon Cali Dheere

9. Nabadoon Warsame Sabriye

10. Nabadoon Salaad Nuur Dhimbil

Musharaxa madaxtinimada Soomaaliya Prof, Saciid Ciise Maxamud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa tagay magalada Dhuusa Mareeb oo u ah xarun gobolka Galgaduud halkaas oo boqolaal dadweyne ah kusoo dhaweyeen, kagana hor yimaadeen banaanka hore ee magalada laga soo galo.

Wafdiga uu hogaaminayay Prof, Saciid Ciise Maxamud ayaa markii gudaha u galeen magalada waxa ay kulamo balaaran la qaateyn qeybaha kala duwan ee bulshada oo ku jiraan Culuma’udiinka, Waxgaradka, Odayaasha Dhaqanka, Dhalinyaradda, Haweynka kuwaas oo kala hadleen ujoodoyinka ay gobolka u yimaadeyn.

Cadceed Sh. Doon oo ah gudoomihii hore ee Dhalinyaradda degmada oo soo dhaweyay musharaxa iyo wafdigiisa uu sheegay inu aad ugu faraxsan yahay inuu gobolka soo gaarey.

Nabadoon Maxamed Muuse oo isna goobta ka hadlay ayaa ku amaanay musharaxa inuu soo xasusutey goboladii uu kasoo jeeday isla markaane soo booqday waxaana uu ku dhiira galiyey inuusan iloowin marka uu ku guuleysto xilka madaxtinimo ee uu raadinayo.

Mama Xaawo Dhaga Cade oo ku hadlaysay magaca hooyooyinka Dhuusa Mareeb ayaa sheegtey iney aad ugu faraxsan tahay in musharaxa Saciid Ciise Maxamud suu soo booqday magaladii uu ku dhashay.

Ugu danbeyntii xafladda waxa soo xirey gudoomiyaha xisbiga Dadka ahna mushaerax u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya Prof. Saciid Ciise Maxamud oo sheegay in hadii u ku guuleysto xilka madaxtinmo ee isku soo taagay wax wayn u qaban doono gobolka Galgaduud.

Prof, Saciid Ciise iyo wafdigiisa ayaa waxa ay sidoo kale barqanimadii ay tageen deegaanka Mareer-Gur ee gobolka Galgaduud halkaas oo meel banana ah ugu qudbeeyay dadweynaha magalada uu u sheegay in hadii u ku guuleysto xilka madaxtinimada Soomaaliya uu wax badan ka qabandoono xaalka magalada Mareer Gur iyo guud ahaan dalka.















Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)