|
Hay’addaha Oxfam iyo Save The Children oo ka dayriyay xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee xerada Dhadhaab ku jira
Mogadishu Khamiis 12 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Hay’addaha Oxfam iyo Save The Children oo ka dayriyay xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee xerada Dhadhaab ku jira.
Hay’addaha Oxfam iyo Save The Children oo ka ah hay’ado samafal ayaa digniin ay soo saareen waxay ku sheegeen inay halis ku jirto xaaladda
nololeed qaxooti fara badanoo Soomaaliyeed oo kujira xerada qaxootiga Dhadhaab ee wadanka Kenya ku taala.
Bayaan ay soo saareen hay’addahaan oo ay wheliyaan illaa iyo 6 hay’adood oo kale ayaa waxaa ay sheegeen inay u baahan yihiin dhaqaale
gaaraya $25m oo u dhiganta (£16m) si wax loogu qabto in ka badan nus mallion ruux oo qaxooti Soomaali ah kuwaasoo ay xaaladoodu hadda tahay
mid halis ku jirto sida bayaanka ku qoran.
Hay’adahaan ayaa sheegay inay sii dhamaanayso lacagaha ay hadda hayaan isla markaana ay u baahan yihiin dhaqaalo ay ku fududeeyaan hawlaha
samafalka ay u hayaan qaxootiga Soomaaliyeed.
In ka badan 30,000 guri ayay sheegeen inay u baahan yihiin in loo dhiso qaxootiga Soomaalida ah ee ku jira qaxootiga Dhadhaab oo ah
xerada ugu weyn ee dalka Kenya ku taala.
"Dad badan ayaa ku nool guryo teendhooyinka sameysanoo ay si fudud u bur burin karto cimilada gobolka ka jirta marka waa in laga shaqeeyaa
sidii kaalmo loo gaarsiin qaxoootigaan oo aynu u hayno lacag dhan 4,000 oo Dollar" ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay hay’addaha
samafalka.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|