|
Dhalinyarada magaalada Muqdisho oo jawi farxad leh ku nool
Mogadishu Khamiis 12 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Dhalinyarada magaalada Muqdisho oo jawi farxad leh ku nool.
Dhalinyarada ku nool Magaalada Muqdisho ayaa ifa faalo wanaagsan ka muujiyay Isbedelka ka dhacay Magaalada Muqdisho, ayagoo aad u soo dhaweeyay Jawiga Nabada ee Magaaladu hada ay ku sugantahay , dhalinyaradaasi qaar kood waxay ka yimaadeen qurbaha waxayna aad ugu faraxsanyihiin inay ku soo laabtaan Wadankoodi Hooyo.
Waxaa Goobaha Internet Café yada Buux dhaafiyay dhalinyarada isticmaasha Internetka ayagoo ku faraxsan jawiga Nabdeed ay hadda ku noolyihiin.
Waxaan soo booqanay mid ka mid ah Degmooyinka Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada X/weyne, waxaana kula kulan nay dhalinyaro aad u farabadan oo Isticmaalaya Internetka, Marwaas Internet Café waa mid kamid ah Internetyada ku yaala Degmadda X/weyne waxaana isticmaala Bulshada qaybaheeda kala duwan.
Degmada X/weyne waxay ka mid tahay Degmooyinka ugu Nabadoon ee Magaalada Muqdisho waa degmo aad u camiran dedkeeduna waxay ku noolyihiin jawi aad u farxad badan.
Ugu damabayn dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan ka Codsanaynaa inay ka qayb qaataan wacyi gelinta Bulshada qeybaheeda kal duwan.







w.d dr.ali omar abati binfaghi
guddoomiyaha ururka dhalinyarada degmada x/weyne
email dr.abatialfaghi@yahoo.co.uk
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|