|
Ahlu Suna oo Markii ugu horeysay Ku fulisay Guriceel fal qisaas toogasho ah
Mogadishu Khamiis 12 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ahlu Suna oo Markii ugu horeysay Ku fulisay Guriceel fal qisaas toogasho ah
Maxkamad Hoostagta Maamulka Culimaa,udiinka Ahlu Suna Waljamaaca ee Gobalada Dhexe ayaa Saake Xukun Qifaas ah ku fulisay Laba Nin oo hore ugu dishay wiil iyo aabahiisa duleedka Degmada Xeraale ee Gobalka Galgaduud.
Gudoomiye Ku xigeenka Gudiga fulinta Ahlu Suna Axmed C/llahi ilka case oo Saxaafada kula hadlay fagaare ku yaal Koonfur Bari Guriceel halkaas oo uu ka dhacay Xukunka Qisaasta ayaa sheegay in Raga la toogtay oo kala ahaa C/qadar Max,ed Cabdulle oo 35 Jir ah iyo Xirsi Cabdi Cabdulle oo isna 40 jir ah ay dileen 20-05-2012 habeennimo Jimco ah wiil iyo aabahiis oo la oran jiray Daari Cabdiraxmaan Macalin Faaraax oo wiilka ah Cabdiraxaam Macalin Faarax oo aabaha ahaa.
Ka dib go,aan ay si wada jir ah u gaareen ehelada marxuumiintii la dilay iyo kuwa gacan ku dhiiglayaasha ayeey maamulka Ahlu Suna kaga codsadeen in ay u qisaasaan ragan gacan ku dhiiglayaasha si aanu mar dambe u dhicin in qof aan waxba galabsan si micndo daro ah laysaga dilo.
Waa markii ugu horeysay ku dhawaad mudo 4 sano ah oo maamulka Ahlu Suna uu ka talinaayay Gobalada dhexe uu fuliyo fal qisaas ah dad dil geystay iyadoo falalka sidan oo kale loga bartay Kooxda Xag-jirka ah ee Alshabaab balse falka qisaasta ayaa sida ay warbaahinta u sheegeen dad ehel lahaa labada dhinca ee is dilay waxaa ay ku qanacsanaayeen in lagu qaado sida ay shareecada qabto qofkii dil aan sabab laheen u geysta qof muslim ah.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|