|
Barlamaanka Carabta oo baaq ku wajahan Somalia u jeediyay wadamada Carabta
Mogadishu Jimco 13 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
 |
|
|
|
|
|
| |

Barlamaanka Carabta oo baaq ku wajahan Somalia u jeediyay wadamada Carabta.
War saxaafadeed uu soo saaray guddoomiyaha barlamaanka jaamacada carabta Dr Cali saalim Al deqbaasi ayaa waxa uu baaq ugu jeediyay dowladaha carabta eek u bahoobay ururka jaamacadda carabta , isagoo ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo taaguleeyo dadka soomaaliyeed ee muddada dheer la daala dhacaya dhibaatada.
Dr Cali saalim Al deqbaasi ayaa warsaxaafadeedkiisa ku sheegay in 2.5 million oo soomaali ah ay la dhibaatoonayaan cunno la’aan iyo caafimaad darro ay ka dhexleen abaartii sanadkii la soo dhaafay ku dhufatay qeybo kamid ah dalka Somalia.
"Xaqiiqdii wadamada carabta aad ayay uga gaabiyeen inay caawiyaan walaalahooda dhibaateesan ee soomaaliyeed , barlamaanka carabtana arinkaasi aad ayuu u cambaareenayaa , waa in sida ugu dhaqsiyada badan wadamada carabta ay isaga meeraan cambaareynta soomaalida ay u soo jeedinayso islamarkaana si dhaqsi ah kolonyo gar gaar ah ugu diraan dalka somalia "ayuu Dr Cali saalim Al deqbaasi ku yiri warsaxaafadeedkiisa.
Madaxa barlamaanka jaamacadda carabta ayaa sidoo kale warsaxaafadeedkisa ku sheegay inay weli muuqato raadadkii abaarta sidaa darteedna wadamada carabta looga baahanyahay in howlo caafimaad iyo mid cuunaba ay ka fuliyaan dalka Somalia si looga kabsado abaarta.
"Waa lama huraan in maalmaha soo socda isbedel laga dareemo wadamada carabta oo si deg deg ah ay gar gaar ula gaaran walaalahooda soomaaliyeed "ayuu Dr Cali saalim Al deqbaasi ku sheegay warsaxaafadeedkiisa.
Inkastoo Somalia ay ku jirto ururka jaamacadda carabta ayaa haddana waxaan jirin taageero muuqata oo jaamacadda carabta ay siiso dalka Somalia .
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|