|
Wargalin Muhiim ah oo ka timi Danjiraha Wareega ee Somaliland kuna Socota Jaaliyadaha Somaliland iyo Soomaalida ee Bristol
Jimco 13 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Wargalin Muhiim ah oo ka timi Danjiraha Wareega ee Somaliland kuna Socota Jaaliyadaha Somaliland iyo Soomaalida ee Bristol.
Mudanayaal iyo Marwooyin
Asalaamu Calaykum
Jaaliyadaha Somaliland iyo Soomaalida iyo guud ahaan Muslimiinta ku dhaqan magaalada Bristol iyo nawaaxigeeda waxaanu la socodsiinaynaa in maalinta Sabtida ah ee Barrito oo ay taariikhdu tahay14ka bishan aynu ku jirno ee July in ay magaalada Bristol ay iman doonaan kooxaha xagjirka ah ee cunsuriyiinta ah ee ku caan baxay nacaybka dadka Muslimiinta ah ee loo yaqaan English Defence League (EDL) oo iyagu aan qarsan nacaybka ay u qabaan Muslinka iyo dadka Soomaalida ahba, kooxdaas oo banaanbax iyo socod ku mari doonta qaybo ka tirsan magaalada Bristol. Iyadoo sidoo kalana ay jiraan banaanbax ka dhan ah kooxdaas oo ay samayn doonaan kooxda loo yaqaan United Against Fascism (UAF) oo ay weheliyaan ururrada shaqaalaha qaarkood.
Kooxaha Cunsuriyiinta ah ee EDL waxay banaanbaxooda ka dhigi doonaan meelo aan ka durugsanayn badhtamaha Bristol waxaanay aakhirka isugu biyo shuban doonaan kuna ururi doonaan goobta loo yaqaan Queen Square, kooxaha ka soo horjeeda midab kala sooca ee loo yaqaan UAE waxay iyaguna banaanbaxooda ka samayn doonaan goobta loo yaqaan Castle Green oo aan ka fogayn suuqweynaha badhtamaha Bristol.
Waxaa arrintan ka hawl galaya si ay amaanka iyo sharciga u ilaaliyaan in ka badan Kun askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska ee Bristol iyo Boolis kale oo laga keeni doono gobolada kale sida Yorkshire, South Wales iyo South of England, waxaanay gacan adag ku qaban doonaan cid kasta oo fal danbiyeed ku kacda ama dhib u geysata amaanka dadweynaha. Hawlgalada Booliska oo muddo dheer socday waxay si rasmi ah u bilaabanayaan galabnimada Jimcaha ee maanta waxaanay socon doonaan ilaa maalinta Axada, waxaana Boolisku uu isha ku hayaa dhaqdhaqaaqyada labada kooxood ee EDL iyo UAF.
Xaafadaha Soomaalida iyo dadka Muslinka ahi degan yihiin waxaa la geyn doonaa ciidamo Boolis ah oo labisan, gaar ahaan ilaa Todobaatan Sarkaal oo Booliska xaafadaha iyo PSCO’S ka kooban oo dadku ay wajiyadooda yaqaanaan si ay u hubiyaan in dadka aanay wax cabsi ahi galin.
Boliska waxaa la siiyay awood dheeraad ah oo ay ku joojin karaan, ku baadhi karaan waxna ku weydiin karaan qof kasta oo ay doonaan oo ku sugan badhtamaha Suuqa Bristol Maalinta Barri ee Sabtida ah, si looga hor tago cid kasta oo dhibaato abuuraysa, hase yeeshee Boolisku awood uma laha inay dadka ku joojiyaan ama ku baadhaan xaafadaha iyo meelaha la degan yahay iyaga oo faldanbiyeed cad oo gacanta lagula jiro arkaya mooyaane, lamina ogola in Boolisku ay si xushmad darro ah ama si qalafsan ay dadka ula dhaqmaan. Hawlaha Suuqyada ee Badhtamaha Bristol waxa uu u socon doonaa sidii caadiga ahayd, dadweynuhuna sidii caadiga ahayd ayay ugu shaqo tagi karaan ugana soo adeegan karaan.
Hadaba maadaama ay dhibaatooyin dhacaan marka ay kooxaha EDL iyo UAF banaanbaxyada samaynayaan, isla markaasna ay jiraan danbiilayaal qas kiciya xilliayadan oo kale, Waxaan Jaaliyadaha Somaliland iyo Soomaaliya iyo Jaaliyadaha kale ee Muslinka ah ee u nool Bristol aan usoo jeedinayaa inay taxadir dheeraad ah yeeshaan maalinta Barrito oo ay tahay maalin Sabti ah bishan Julyna ay tahay 14.
Dumarka Soomaalida ah, dadka ka shaqeeya suuqa sida Tagsiilayaasha iyo kuwa u dukaamaysi taga waxaan usoo jeedinayaa inay taxadir dheeraad ah yeeshaan, sidoo kalana ay isha ku hayaan waxa ka socda hareerahooda. Waxaa kale oo aan ugu baaqayaa inaanay ka qayb qaadan mudaaharaadka labada qaybood midkoodna.
Qofkii arka cid dhibaato abuuraysa ama danbi faraha kula jirta, ama sidoo kale cidii wax dhibaato ahi ay ka soo gaadho banaanbaxyadan iska soo horjeeda ee EDL iyo UAF waxaa lagama maarmaan ah inay la xidhiidhaan Booliska iyaga oo garaacaya taleefanka lumbarkiisu yahay 101 oo kuu gudbin doona xarunta Booliska ee kuugu dhow, hadii ay timaado arrin khatar ah oo u baahan wax ka qabasho degdeg ah fadlan garaac taleefanka gurmadka degdega ah ee lumbarkiisu uu yahay 999.
Madaxda Sare ee Boolisku waxay noo ballan qaadeen inay hubin doonaan amaanka jaaliyadaha iyo inay gacan adag ku qaban doonaan cidii rabshado ku kacda, sidaas daraadeed waxaan Jaaliyadaha usoo jeedinayaa inaanay ka qaybqaadan banaanbaxyada Barrito.
Maalinta Barrito ah ee Sabtida ah waxaan heegan ku ahaan doonaa goobaha banaanbaxu uu ka socdo, waxaanan gacan buuxda siin doonaa qof kasta oo Jaaaliyada Somaliland iyo tan Soomaalida ka mid ah ee Bristol ku nool ee caawimo u baahda.
Waxaad nagala soo xidhiidhi karaa taleefanada kala ah 07769970314 ama 07774323177 iyo emailka hoos ku qoran.
Waad Mahadsan tihiin
Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Danjiraha Wareega ee Jamhuuriyada Somaliland
Bristol. UK
kaysar@diplomats.com kaysar@europe.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|