|
AMISOM oo raashin gargaar ah oo Al shabaab hore u dhaceen kaga qabsatay Laanta-buuro
Mogadishu Jimco 13 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

AMISOM oo raashin gargaar ah oo Al shabaab hore u dhaceen kaga qabsatay Laanta-buuro
Warsaxaafadeed oo Maanta uu Soo saaray Howlgalka AMISOM ayay lagu sheegeen in Laanta-buuro ay ka heleen in ka badan 500-kiish oo raashin ah, kaasoo oo ay Shabaabku ka dhaceen Dad tabaaleysan oo ay Hay,adaha Gargaarka ugu talagaleen in lagu caawiyo.
Raashinkan ayay AMISOM sheegtay in Al-shabaab ayka furatay ayeey doonayeen in ay u adeegsadaan inay ku quudiyaan Malayshaadkooda tababarka ku qaadanayay saldhig ay ku lahaayeen deegaankaas oo 10-km Koonfur kaga beegan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.
"Saldhigga waxaan ka helnay hub ay ku jiraan qoryaha daran-doorriga u dhaca iyo qalabka laga sameeyo bambooyinka," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in 11 Malayshaad Al-shabaab ka tirsan lagu dilay dagaalkii lagu qabaday Laanta-buuro afar kalena nolol lagu qabtay.
Taliyaha AMSIOM, Jen. Andrew Gutti ayaa sheegay in howgalka ay ku qabsadeen Laanta-Buuro ay qayb ka tahay sidii loogu fududeyn lahaa hay'adaha gargaarka in dadka gobolkaas ku nool ay raashinka gaarsiiyaan.
"Howgalkeennu waa mid miro-dhalay, wuxuuna qayb ka yahay howsha lagu soo celinayo nabadda Soomaaliya, hay'adaha samafalkana fursad loogu siinayo inay gaarsiiyaan dadka gobolkaas ku nool gargaarka bani'aadamnimo," ayuu yiri Jen. Gutti.
Waa markii ugu horreysay oo ay ciidamada AMISOM sheegeen in raashin gargaar oo la dhacay iyo hub faro badan ay ka furtaan Kooxda Awooda lagu wiiqay dagaalo in ka badan mudo hal sano ay ku hayeen Xoogaga Nabad ilaalinta Midowga Africa iyo Ciidamada Dowlada Somaliya
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|