Somali News
    Hees  

Diyaaradaha dagaalka Kenya oo duqeyay saldhig Shabaabku kulahaa Gobolka Gedo

Mogadishu Jimco 13 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Diyaaradaha dagaalka Kenya oo duqeyay saldhig Shabaabku kulahaa Gobolka Gedo.

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka Kenya ay weerar duqayn ah ku qaadeen saldhigyo ay Al-Shabaab ku leeyihiin gobolka Gedo.

Diyaaradahaasi duqaynta gaystay ayaa gaystay khasaare baaxad leh, kadib markii ay la heleen gantaalo saldhigaasi Al-Shabaab ku lahaayeen gobolka Gedo, ilaa iyo hadda lama oga inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha Shabaabka ka soo gaaray duqaymahaasi.

Maxamed Cabdi Kaliil Gudoomiyaha Gobolka Gedo ayaa sheegay in diyaaradaha ay duqeeyeen degaan 20-KM dhanka Garbahaareey kaga beegaan Buurdhuubo ayna la socdeen oo ay ogaayeen duqeynta ay geysteen diyaaraha dalka kenya, isagoo sheegay in la duqeeyay ilaa sadax Saldhig oo uu Shabaabku lahaa, kuwaasi oo ku yiilay gobolka Gedo.

Dhinaca kale ma ahan markii ugu horaysay oo ay diyaaradaha dalka kenya duqeyn ka qeystaan gobolo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya, iyadoo mudooyinkii la soo dhaafay duqeymo ay ka geysteen gobolka Gedo, taasi oo waxyeelo balaaran ka soo gaartay dad shacab ah.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)