Somali News
    Hees  

Nin la la xiriirinayo Al-Shabaab oo maxkamad ku taala gobolka Chicago ee dalka Maraykanka oo dib u dhigtay qaadista dacwadiisa

Mogadishu Jimco 13 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Nin la la xiriirinayo Al-Shabaab oo maxkamad ku taala gobolka Chicago ee dalka Maraykanka oo dib u dhigtay qaadista dacwadiisa

Maxkamad ku taala gobolka Chicago ee dalka maraykanka ayaa shaaca ka qaaday inay dib u dhigtay dacwad ku saabsan muwaadhin maraykanka oo lagu magacaabo Shaker Masri, kaas oo lagu eedeeyay inuu xiriir la leeyahay xarakada Al shabab oo bah wadaag la noqotay ururka al qaacidda kana dagaalanta dalka Somalia .

Xeer ilaaliyayaasha maxkamadda Chicago Ku taala ayaa sheegay in Shaker Masri, iyo qareenkiisa Thomas Durkin ay isla wada gaarayn hishiis racfaan ah islamarkaana dacwaddiisa maxkamadda ay dib u eegis ku samaynayso

Thomas Durkin oo ah Qareenka u doodaya muwaadhinka maraykanka ah ee loo haysto inuu xiriir la leeyahay Al shabab ayaa saxaafadda u sheegay in Shaker Masri uusan gelin dambiyada lagu eedeenayo oo ay kamidka yihiin inuu taageero xarakada Al Shabab.

FBI-da Maraykanka ayaa sanadkii 2010ka dabagal ay ku sameeyeen Shaker Masri ku soo ogaaday inuu damacsanaa inuu aado dalka Somalia si uu al shabab ugu biiro, iyagoo xilligaasi ka duubay hadallo ay is weedaarsadeen saaxiibadiis ku sugan bariga Africa islamarkaana gacanta ku soo dhigay.

Muwaadhinkan maraykanka ah ayaa ka hor inta aan lagu eedeynin in xiriir uu la leeyahay Al shabab waxa uu ka shaqeenayay shirkad diini ah oo afaf kala duwan ku turjunta Qur’aanka kariimka

Ma cadda xilliga la qaadi doono dacwadda muwaadhinkan maraykanka ah balse dalka maraykanka ayaa marar badan waxaa maxkamad lagu soo taagay shaqsiyaad lala xiriirinay Al shabab.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)