Somali News
    Hees  

Yamaniyiin weerarb ku qaaday kaluumeysato Soomali ah oo ku nool gobolka Mehra ee dalka Yemen

Mogadishu Jimco 13 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Yamaniyiin weerarb ku qaaday kaluumeysato Soomali ah oo ku nool gobolka Mehra ee dalka Yemen.

Khasaare xooggan ayaa soo gaaray Kaluumaysato Soomaali ah oo ku noolaa dalka Yemen, kadib markii ay weerar kala kulmeen kooxo Yamaniyiin ah, waxaana la soo sheegayaa in Soomaalida Kaluumaysatada ah ee la weeraray ay gaarayaan ilaa 600-Kaluumaysato ah.

Soomaalida la weeraray ayaa la sheegay inay tiradoodu gaarayso ilaa 600 oo kaluumeysato , waxayna ku noolaayeen gobolka Mehra ee dalka Yemen, iyadoo xiligii uu weerarka dhacaayay ay Soomaalida ku jireen howlahooda kaluumeysi.

Waxaa la soo sheegayaa in weerarkaasi lagu dhaawacay ilaa 30-Ruux oo kaluumeysato Soomaali ah, iyadoo la weysan yahay tiro intaas ka badan, Dhuxul dhere oo kamid ah dhalinyardii ka badbaaday weerarka la soo qaaday ayaa ka warbixiyay wixii halkaasi ka dhacay.

Ninkaasi Soomaaliga ah ee weerarkaasi ka badbaaday ayaa sheegay in dadka kaluumeysatada Soomaalida ah ee la waxyeleeyay ee ku dhaqan gobolka Mehra ee dalka Yemen in dhowr jeer oo horay loogu soo jeediyay in ay joojiyaan howlahakaluumeysi ay ka wadaan gudaha dalka Yemen balse marka ay ka dhaga adeegeen Soomaalida ku dhqan Yemen la soo weeraray.

Dhinaca kale waxa uu sheegay ninkaasi ka badbaaday weerarka in dadka u dhashay Yemen ay Soomaalida ku dhaqan wadanka Yemen ula dhaqamaan qaab Jinsi faquuq ah, waxaana dalkaasi ku nool Qaxooti Soomaali fara badan ah.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)