|
Golaha sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna oo taageeray guulaha ciidamada Dowladda
Mogadishu Jimco 13 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Golaha sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna oo taageeray guulaha ciidamada Dowladda
Golaha sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa soo dhoweeyay guulaha ciidamada Dowladda ay ka gaareen gobolka Sh/hoose, gaar ahaan degaanada Laanta Buuro iyo degaanada ku dhow dhow.
Kulanka Golaha sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa waxaa lagu soo dhoweeyay isla markaana lagu taageeray halganka ciidamada Dowladda KMG ah ugu jiraan sidii dalka looga xoreyn lahaa kooxaha Shabaab oo dhibaato ku haya dalka, dadka iyo diinta Islaamka.
Golaha sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna ayaa ugu baaqay dadweynaha ku nool gobolada Shabeelooyinka inay soo dhoweeyaan isla markaana ay taageeraan ciidamada Dowladda KMG ah oo dadaalka ugu jira sidii ay mar kale u heli lahaayeen xorriyadooda nololeed.
Waxay kaloo ku booriyeen ciidamada Dowladda KMG ah in goob kasta oo ay cadowga ka xoreeyaan dadka ku nool inay nabadgeliyaan, oo aanay uga sii darin cadowgii shalay gumeysiga ku hayay.
"Ciidamada Dowladda, bacdamaa ay u soo dhaarteen inay difaacayaan dadkooda, dalkooda iyo diintooda waxaan ugu baaqeynaa saraakiisha hoggaamineysa inay tallaabo cad ka qaadaan kuwa farteysanaya dadka rayidka ah" ayay yiraahdeen Golaha sare culumada Ahlu Sunna Waljameeca.
Dhinaca kale Golaha ayaa sheegay in qorshaha dalka looga sarayo kooxaha cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Shabaab iyo Al-Qaacida inuu yahay mid ballaaran isla markaana halganka dalka looga saarayo uu yahay mid aan weli dhammaan.
"Dadka ku nool gobolada iyo degaanada yar ee ay ku harsan yihiin kooxaha Shabaab iyo Al-Qaacida waa inay u diyaar garoobaan soo dhoweynta ciidamada qalabka sida ee Dowladda KMG ah, ciidamada AMISOM iyo ciidamada dowladaha deriska ah ee caawinaya, kuwaas oo u taagan inay xornimadooda dib ugu soo celiyaan" ayay yiraahdeen Golaha Sare ee Culumaa'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca.


Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|