Somali News
    Hees  


Ciidamada Dowladda KMG ah oo Howlgalo lagu soo qabqabtay dad ka sameeyay Degmada Balcad

Mogadishu Sabti 14 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 



Ciidamada Dowladda KMG ah oo Howlgalo lagu soo qabqabtay dad ka sameeyay Degmada Balcad


Xoogag ka kala socda hay’adaha dowladda ee amniga oo ka kooban Booliska, Nabadsugidda iyo Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgalo balaaran ka sameeyay sitimaankii tagay qeybo ka mid ah caasimadda oo ay ku dhuumanayeen xubno ka tirsan ururka argagixisada ee Al Shabaab. Howlgalka ayaa waxaa lagu soo qabtay 89 saraakiil oo ka tirsan ururka argagixisada kuwaas oo gacanta lagu hayo.

Qorshaha howlgalka ayaa ah mid lagu wiiqayo haraadigii ururka argagixisada ee Alqaacido, maadaama ay caasimadda u diyaar garoobeyso soo dhaweynta ergada iyo howlihii dhameystirka tubta nabadda, taas oo wadada u xaareysa dowlad dhameystiran oo ka kooban bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan.

Sidoo kale, ciidanka amniga ayaa howlgalo ka sameeyay degmada Balcad iyo nawaaxigeeda, iyadoo lagu raadjoogo saraakiil ka tirsan Shabaab oo dhuumaaleysi ku joogo daafaha Balcad.

Amniga caasimada ayaa isasoo tarayay bilihii lasoo dhaafay kadib markii la jabiyay kooxihii argagixisadda, oo qaarkood dib uga gurtaycaasimada bishii August ee sanadkii lasoo dhaafay. Dowladda waxaa ka go’an in ay sii wado howlgallada sugida amniga ilaa laga sifeeyo caqabadaha amniga ee ka jira dalka.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)