Somali News
    Hees  

Kulan ammaanka looga hadlaayo oo muqdisho ka dhacay manta

Mogadishu Sabti 14 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Kulan ammaanka looga hadlaayo oo muqdisho ka dhacay manta.

Shir ay isugu yimaadeen laamaha amniga qaranka iyo hay’ado ka socda qaramada midoobay iyo kuwa AMISOM ayaa maanta lagu qabtay magaalda Muqdisho kaas oo lagaga arinsanayay xaqiijinta amniga xarumaha lagu qaban doono shirarka lagu ansaxinaayo dastuurka dalka.

Waxaa shirkaasi guddoominayay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Mudane C/samad Macalin Maxamuud, iyadoo looga hadlay arrimaha amniga ee Dalka.

Shirkaasi oo soo gabagaboobay ayay saxaafadu waxay war ka heshay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, waxa uuna sheegay in intii uu sacday kulanka ay ugu hadleen ammaanka, gaar ahaan sidii loo adkeyn lahaa ammaanka goobaha uu ka dhacayo shir weynaha lagu ansaxinayo dastuurka dalka Soomaaliya.

Wasiirku waxa uu sheegay in shirkooda ay ka soo baxeen qudobo wax ku ool ah ayna isku afgarteen in la bilaabo diwaan gelinta dadka ka qeyb galaya shirweynaha lagu ansaxinta dastuurka dalka.

Dhinaca kale amaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, kadib markii laamaha ammaanka ay yeesheen shirar iyo kulamo looga hadlayo xaqiijinta ammaanka goobta uu ka dhacayo shirweynaha dastuurka dalka lagu ansixinayo.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)