|
Madaxda Dowlada oo odayaasha dhaqanka ka dhaadhiciyay inay soo dhameystiraan ergadii ansixin lahayd Dastuurka
Mogadishu Sabti 14 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Madaxda Dowlada oo odayaasha dhaqanka ka dhaadhiciyay inay soo dhameystiraan ergadii ansixin lahayd Dastuurka.
Waxaa goor dhow oo maanta ah soo dhamaaday kulan xasaasi ah oo ay yeesheen Madaxda ugu sareysa Dowlada KMG ah Soomaaliya iyo odayaasha dhaqanka ee ka shiraya sidii ay u magacaabi lahaayeen baaarlamaan cusub iyo soo gudbinta ergadii ansixin lahayd dastuurka.
Madaxweynaha Dowlada KMG ah Soomaaliya,Ra'iisulwasaaraha Soomaaliya Dr.C/weli Gaas iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ee xilkiisa la isku hayo shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta odayaasha kala hadlay sidii ay degdeg ugu soo dhameystiri lahaayeen eragada laga sugayo oo sedex meelood meel la sheegay inay diyaar u yihiin iminka.
Madaxweynaha iyo madaxda la socotay waxay ka dalbadeen Odayaasha inay degdeg u soo gudbiyaan liiska ergadii ansixin lahayd dastuurka madaama waqtiga uu aad u yaryahay.
Madaxweynaha ayaa wariyayaasha u sheegay inay odayaasha kula heshiiyeen in 21-ka julay dhamaan la soo dhameystiro lana soo gudbiyo magacyada liiska ergada ansixinta dastuurka.
"waxaawaajibah in la saxo qaladaadka dastuurka ee odayaashu arkeen"ayuu yiri Madaxweyne shariif
Ra'iisulwasaaraha C/weli Cali Gaas ayaa isna sheegay in idayaasha looga baahan yahay inay dastuurka soo gubiyaan waqtiga ugu dhow si agosto dowlad cusub loo dhiso.
Sidoo kale Wasiirka arimaha gudaha oo wafdiga madaxda sare qeyb ka ahaa ayaa sheegay inay u diaar garoobeen marti gelinta shirka muhiimka ah ee lagu ansixinayo dastuurka islamarkaana baarlamaanka lagu soo dhisayo,waxaana uu carabka ku dhuftay inay amaanka xaqiijiyeen
"waan xaqiijinay amniga guud ahaan wadooyinka soo gala halka lagu shirayo"ayuu yiri Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga C/samad Macalin Maxamuud
Dhanka kale mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa shirka ay madaxda la galeen kadib u sheegay warbaahinta inay ku heshiiyeen in 21-ka Julay ay gudbiyaan ergada inta dhiman islamarkaana la xaliyay is faham daradii arintaani ka dhashay.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|