|
Dawlada Faransiiska oo ka hadashay sarkaal Shabaab Soomaaliya uga haystaan
Mogadishu Sabti 14 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Dawlada Faransiiska oo ka hadashay sarkaal Shabaab Soomaaliya uga haystaan.
Wasiirka Digfaaca Dowladda France Jean-Yves Le Drian oo Wareysi siinayay Wakaalada Wararka Shiinaha u faafisa ee Xinuha ayaa sheegay inay heleen xog kusaabsan inuu Nabad qabo Sarkaal Faransiis ah oo Xarakada Al-Shabaab ay kuheystaan gudaha Soomaalia.
Sarkaalka u dhashay France ee Al-Shabaab gacanta ugu jira ayaa lagu magacaabaa Denis Allex waxaana uu u yimid Soomaalia Tababaro uu siinayo Ciidamada Dowladda Soomaalia .
Wasiirka Difaaca France Jean-Yves Le Drian ayaa tilmaamay in lala hadalsiiyay Muweaadinkaasi Faransiiska ah ee Al-Shabaab mudada 3da Sano ah u Afduuban uu Caafimaad qabo balse sitoos ah uma uusan shaacin Halka Soomaalia uu kaga sugan yahay .
Denis Allex oo ah Sarkaal u dhashay Dalka France islamarkaan Soomaaliya u yimid Tababarida Askarta Dowladda ayaa Sanadii 2009kii rag hubeysan ka qafaasheen asaga iyo sarkaal kale oo ay wada socdeen hotelka magaalada Muqdisho waxaana xilligaasi loo kala gacan galiyay Al-Shabab iyo ururkii bur buray e Xisbul Islam.
Mid ka mid ah lasbadaasi sarkaal ayaa gacanta Xisbiga ka baxsaday oo dawlada u soo galay, ilaa iyoi 8 ruux oo dhashay wadanka Faransiiska ayaa afduub ahaan loogu haystaa wadamo ay Soomaaliya ka mid tahay.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|