Somali News
    Hees  

Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Yaasiin Maaxi Oo Arbacada Ku Soo Fool Leh Magaalada Borlänge Swedan

Gothenburg Sabti 14 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Musharaxa Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Yaasiin Maaxi Oo Arbacada Ku Soo Fool Leh Magaalada Borlänge Swedan.

Musharaxa Utaagan Jagada Madaxtinimada Soomaaliya Mr Yaasiin Maaxi Macalin oo ah Siyaasi ka mida Xisbiga siyaasiga ah ee Social Democratic Party ee dalka Swedan ayaa maalinta Arbacada ah lagu wadaa inuu gaaro magaalda Borlänge ee dalka Swedan.Iyadoo maalmihii ugu danbeeyay ay qaban qaabo xoogani ka socotay Magaalada Borlänge oo ka tirsan gobolka Dalarna ee dalka Swedan taa oo loogu diyaar garoobayo soo dhaweynta Musharaxa utaagan jagada Madaxweynenimada Dalka Soomaaliya Mr Yaasiim maaxi macalin oo isagu ah shaqsi ay si aad ah ay u jecel yihiin Bulshada qurba joogta ah ee Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan dalka Swedan oo waxbadan uu soo gacan qabtay tan iyo markii uu galay xisbiga uu haatan ka mid yahay.

Sida uu usheegay Warbaahinta Codkamuqdisho mas uul ka tirsan gudiga qaban qaabada xaflada ,ayaa laguwadaa inay ka dhicdo Hoolka shirarka ee xarunta ABF ta ee bartamaha Magaalada Borläbge iyadoo halkaasi lagu casumay dhamaan Ummada Soomaaliyeed ee ku dhaqan guud ahaan Gobolka Dalarna.

Xaflada ayaa waxa sidoo kale lagu casumay inta badan Siyaasiyiinta Gobolka Degmada, marti sharaf ka kala socota Hey adaha kala gadisan ee dowliga ah iyo Saxfiyiinta Soomaalida Iyo kuwa dalka Swedan.

Ugu danbeyntii maamulka faraha kula jira qaban qaabada ayaa sidoo kale sheegay in halkaasi lagu casumay Fanaaniin Soomaaliyeed Oo caan ka ah dalka iyo dibadiisa iyadoo uu ugu horeeyo fanaanka caanka ah Maxamed Xasan Xuseen Lafoole iyo Fanaaniin kale sids Carab ha iswaalin Xiis Cabdi Madar iyo gabdhaha Bar baarta gaashaaman iyadoo Saacada ay bilaaban doonto Xafaladuna noqon doonto 17:00 ama 05:00 galabnimo Saacada dalka Swedan.

Kala xiriir Gudiga Qabanqaabada Xaflada Soo dhaweynta Musharaxa Madaxweynenimo Mudane Yaasiin Maaxi


1-Ugaas Xasan Abdiqadir MuudeyTel
2-Inj Cabdirisaq Sheekh Aduun =Tel.0046762874077
3-Faarah dheere =Tel 0046762678109
4-Mahad M Abdi =Tel 0046767545363
5- Ismaaciil Joolaal = Tel 0046736391809

 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)