|
Ciidamada AMISOM oo markii ugu horeysay fariisin cusub ka sameystay Laanta Buuro
Mogadishu Sabti 14 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidamada AMISOM oo markii ugu horeysay fariisin cusub ka sameystay Laanta Buuro.
Cutubyo ka tirsan Ciidamada AMISOM ayaa markii ugu horeysay fariisin cusub ka sameystay xerada Laanta-buuro ee gobolka Shabeellada hoose oo ay dhowaan ka qabsadeen Ururka Al-shabaab kaddib dagaallo muddo kooban socday.
Saldhigga xerada Laanta Buuro oo horay u ahaa fariisinka ugu weyn ee maleeshiyaadka ururka Al-Shabaab ayaa iminka waxaa si rasmi ah u degay ciidamada AMISOM oo ku sii siqaya KM 50 iyo degmooyin kale oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.
Cutubyo ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa markii ay halkaasi degayeen waxaa xerada dhexdeeda yiilay meydadka horjoogayaal ka tirsan ururka Al-Shabaab, kuwaasi oo ciidamada AMISOM ay god u qodeen dabadeedna ku aaseen.
Qaar ka mid ah saraakiisha hoggaaminaya AMISOM ayaa sheegay in howgallada ay ka wadaan gobolka Sh/hoose ay sii wadayaan ilaa inta ay taako ka mid ah ka maqan tahay, iyagoona ugu baaqay maleeshiyaadka weli ku harsan Al-Shabaab inay isaga soo baxaan oo ay isugu soo dhiibaan ciidamada dowladda.




Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|