|
Ciidamada Dowladam KMG ah oo lagula eegtay Degmada Heliwaa Qarax miino
Mogadishu Sabti 14 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Ciidamada Dowladam KMG ah oo lagula eegtay Degmada Heliwaa Qarax miino.
Goor dhow oo duhurnimadii manta ah ayaa qarax miino lala egtay ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda KMG ah kuwaasoo iyagoo gaari wata marayay gudaha xaafada suuqa Xoolaha gaar ahaan halka loo yaqaan Cali Turcaaye ee degmada Heliwaa magaalada Muqdisho.
Qaraxa kadib waxaa howlgal degdeg ah sameeyay ciidamadii ka badbaaday qaraxa kuwaasoo durba toogasho ku dilay mid ka mid ah dhalinyarada yar yar ee xaafada cali turcaaye ee Degmada heliwaa.
Ciidamada ayaa lala eegtay miinada meelaha fog fog laga hago waxaase ilaa iminka aan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee gaaray ciidamada waxaase la sheegay in qaraxaasi khasaare gaarsiiyay ciidamada kuwaasooo watay gaari dagaal.
Wiilka la toogtay waxaa la sheegay inay heleeshay rasaastii ay ridayeen ciidamadu kuwaasoo qaraxa kadib rasaas badan iska firdhiyay.
Dhinaca kale qaraxaani waxaa uu qeyb ka yahay weerarada joogtada ah ee lagu hayo ciidamada shisheeye iyo kuwa Dowlada Soomaaliyeed ee is garabsanaya.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|