Somali News
    Hees  

Al Shabaab Oo Lagu Eedeyay Inay Dilal Ka Fulisay Dalka Koonfur Afrika

Cape Town Sabti 14 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Al Shabaab Oo Lagu Eedeyay Inay Dilal Ka Fulisay Dalka Koonfur Afrika

Sida bogiisa hore lagusoo daabacay Wargeyska Daily Voice ee kasoo baxa Magaalada Capt Town ee dalka Koonfur Afrika Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ee ka dagaalama Somalia, ayaa markii ugu horeysay dilal ka getystay gudaha dalka K/Afrika.

Warbixinta Wargeyska ayaa lagu xusay in saraakiil ka tirsan Dowlada Koonfur Afrika ay baaritaan 10 bilood ah ku dhaw ay wadeen ay ku ogaadeen in Al-Shabaab ay lug ku laheyd ama ay ka danbeyaan dilalka loo geysatay 14 Ethiopian Cristian ah oo ku noolaa degaano ka tirsan Gobolka Western Cape ee dalka Koonfur Afrika.

Deegaanada Musalba, Filipi, Macassa, Paarl waa meelaha ay dilalku ka dhaceen sida ay xuseen Booliska sheegay inay baaritaanka wadeen in muddo ah.

Baadari magaciisa codsaday in la qariyo sababo uu ku sheegay inuu ka baqayo in la dilo, ayaa sheegay inuu Madaxweynaha K/Afrika, Jocob Zuma u gudbiyaya sadax warqad uu kaga hadlayo dilalka dhacay in Al Shabaab ay ka danbeyaan.

Mid ka mid ah warqadaha uu gudbiyey Baadariga aoo lagu dabacay Wargeyska Daily Voice ayaa u qorneyd sida tan.

"Laga bilaabo bishii September 7 kamid ah Qoomiyadda Ethiopia ayaa la toogtay 2 kamid ah ayaa geeriyootay Shanta kalana qatar ayey ku sugan yihiin oo waxa ay ku jiraan xaalada dhawac ah halis ah waxana ka danbeeyay kooxda al shabaab

Warbixinta, ayaa lagu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay iska dhigayaan qaxooti wadanka soo galay iyagoo bartilmaameedkooda yahay in ay targed ka dhigtaan dadka u dhashay qowmiyada Ethiopia ee goobaha ganacsiga ku leh dalka Koonfur Afrika.

Hoos ku dhufo Si aad u akhriso Warbixinta Wargayska Daily Voice oo ku qoran Luuqadda Ingiriiska

http://www.iol.co.za/news/crime-courts/terror-group-targeting-local-christians-bishop-1.1340914

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)