Somali News
    Hees  

Diyaaradaha dagaalka oo weeraro cirka ah ku qaaday saldhigyo Shabaab ay ku lahaayeen jubada Hoose

Mogadishu Axad 15 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 



Diyaaradaha dagaalka oo weeraro cirka ah ku qaaday saldhigyo Shabaab ay ku lahaayeen jubada Hoose

Wararka naga soo gaaraya gobolka jubada hoose ayaa sheegaya in diyarado dagaal oo laga leeyahay dalka Kenya ay weerar cirka ah ku qaadeen saldhigyo kooxda Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaan lagu magacaabo Boko oo qiyaasti 30-KM u jira degmada Hoosingow.

Aadan Maxamed Xirsi oo ah Afhayeenka ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ee Jubooyinka ayaa sheegay in duqeyntaasi lagu bartilmaameedsaday saldhigyo kooxda nabadiidka ah ay ku lahaayeen deegaano ka tirsan gobolka Jubada hoose.

Waxaa uu tilmaamay Afhayeenka in tiro dagaalyahana ah oo ka tirsan kooxda Al-shabaab lagu laayay duqeyntaasi, sidoo kalena waxaa uu xusay in lagu gubay gaadiid dagaal iyo saanad Military.

"Duqeynta waxaa fuliyay diyaaradaha Kenya ee ka tirsan AMISOM, Waxaana lagu bur buriyay duqeynta saldhigyo kooxda nabaiidka ay ku lahaayeen deegaanka Boko, waxaa lagu laayay tiro dagaalyahano ah oo ka tirsan Shabaab,waxaana lagu gubay gaadiid iyo saanad Military"ayuu yiri Aadan Maxamed Xersi oo afhayeen u ah ciidamada dowlada KMG ah ee Jubooyinka.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)