|
Qarax Bam oolagu weeraray Biibito lagu shaaho oo ku taala Magaalada Baydhabo
Mogadishu Axad 15 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|
Qarax Bam oolagu weeraray Biibito lagu shaaho oo ku taala Magaalada Baydhabo.
Wararka aanu ka helayno Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaasheegaya inuu ka dhacay qarax aad u xooggan Meel lagu shaaho oo ay fadhiyeen ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada KMG ah Soomaaliya.
Qaraxa oo la sheegay inuu ahaa Bam Gacmeed ayaa gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira walow aan si rasmi ah loo aqoon tiraxa saxda ah ee ciidamada wax ka noqotay marka la eego inta dhimatay iyo kuwa dhaawacmay.
Sida caadiga ah ciidamada ayaa qaraxa kadib waxaa ay sameeyeen howlgalo ay ku baadi goobayeen kooxihii ka danbeeyay qaraxaasi waxaana ay u qabqabteen qaraxaasi dad badan kuwaasoo tuhun lagu heysto balse aan cadeyn loo heyn.
Dhinaca kale goob joogayaasha ayaa sheegaya in qaraxaasi uu dhimasho iyo dhaawac gaarsiiyay ciidamadii la weeraray inkastoo aaney cadeyn tirada rasmiga ah ee wax ku noqotay qaraxaasi, hase yeeshee warar kale ayaa iyana sheegaya inuusan qaraxaasi wax dhibaato gaarsiin Ciidamadaasi.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|