|
Siyaasiga Cali Jaras oo 12-sano kaddib dalka dib ugu soo laabtay
Mogadishu Axad 15 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Siyaasiga Cali Jaras oo 12-sano kaddib dalka dib ugu soo laabtay
Aqoonyahan siyaasi ah ahana sargaalk sare ah aqoon durugsana u leh dhinaca Cali Xuseen (Cali Jaras) ayaa 12-sano kaddib dalka dib ugu soo laabtay, isagoo ka yimid wadanka Mareykanka gaar ahaan gobolka Minnesotta magaalada Rochester, wuxuuna ka mid ahaa saraakiishii hore ee ciidamada Dowladdii hore ee dhacday isagoo kaddib burburkii dalka ku dhacay u istaagay sidii la isugu keeni lahaa Soomaalidii kala irdhowday.
Siyaasiga Aqoonyahanka ah Cali xusen Cali Jaras oo aan qadka isgaarsiinta kula xiriirnay ayaa waxa aanu wax ka weydiinay mudadii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho, dareenkiisa ku aadan xaaladda wadanka iyo isbedelada kala duwan ee dalka ka socda, wuxuuna carrabka ku dhuftay inuu isagu si weyn ugu faraxsan yahay bilicda iyo nolosha mar kale ka soo bidhaameysa magaalada Muqdisho, isagoona sheegay inuu rajeynayo sanadaha soo socda in dalka Soomaaliya uu la mid noqonayo wadamada Afrika kuwooda horay u maray.
Waxa uu sheegay in magaalada Muqdisho uu booqday goobo fara badan oo ka mid ah faras magaalaha caasimada Muqdisho, wuxuuna caddeeyay inay ka muuqato nolol cusub, dib u dhis iyo iftiinka nabadda inay iminka cagta saartay Muqdisho, taasina ay ku timid dadka magaalada degan oo ka daalay dagaalladii ahliga ahaa.iyo in lagu bixiyay badan oo ay galeen ciidamdda qalbaka sida ee soomaaaliyeed, kuwa aminom iyo shacvbiga soomaliyeed oo isku dooban.
"Shacabka Soomaaliyeed 22-sano ugu filan wixii dhibaato ahaa ee ay soo mareen, waana dhammaatay xilli wax la duminayay, waxaana ugu baaqayaa in la joogo xilligii wax la dhisi lahaa" ayuu yiri Siyasiga Cali Jaras oo dhinaca kale ugu baaqay kooxaha iyo shaqsiyaadka weli hamiga uga jiro inay fowdo iyo dagaal darajo ku gaarayaan.
siyasiga Cali Xuseen (Cali Jaras) mar aanu wax ka weydiinay mar haddii uu dalka dib ugu soo laabtay inuu ka qeyb qaadanayo dadaalada loogu jiro sidii dalka loogu sameyn lahaa Dowlad rasmi ah,iyo dib u dhiska dalka iyo weliba dib u heshiisiinta.
"Bahdda Warfaafinta Maxaay ku xusuustaan Siyaasiaga Cali xusen Cali Jaras waxaana lawada ogyahay inuu ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee xiligi soomalida uu burburka ku dhacay ee ay kala Erdhoowday 1991dii Saraakiishii ku dhawaqday uurkii SSA isla markaasna suurageliyay in madaxdii siisasiyiintii ahaa ee xiligaas inay tagaan maalooyinka Boosaaso ee waqooyi bari iyo Goboladda kunfureed sida Gobolka geddo oo si dib loogu hanto loona baadigoobo midnimadii soomaliyeed ee xiligaas xurgufta oo kala dhaxgashay.isagoo ku guuleeystay.
Dhica kale waxaa bahdda warfaafinta ay ku xusuustaan siyaasiga Cali jaras dhismihii Maamulkii Gobolka Banaadir ee xiligaas iyo isku dhafkii dadkii walaalaha ahaa ee ay siyaasadda kala fogeysay ismarkaasna magaladda madaxii Dalka soomaliya Lakala dhaxdhigay logu yeeray xad Cagaaran oo loo kala bixcayay waqooyi iyo kufur iyadoo xiligaas uu gaarsiiyay in ay dhalintii idileysay ay dhiigoodda isu dhubaan
siyasigu wuxuu hoggaaminayay wafdi beesha Muddulood ka tirsan oo ka degay degaanada Puntland, isla markaana hoggaamiyeyaashii gobolada W/Bari kala hadlay inay midoobaan, isagoo markaasi u yeeray Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed oo xilligaasi ahaa Madaxweyne isuna keenay madaxda Puntland iyo madaxda Dowladdii Cali Mahdi maxamed kaddibna u gudbay gobolada Gedo, halkaasi oo ay kulamo kula qaateen madaxdii iyo waxgaradkii goboladaasi ku dhaqan iyagoo aakhirkii ku guuleystay inay dhammaantood ku heshiiyaan sidii Soomaali la isugu keeni lahaa oo loo baadi goobi lahaa midinimo guud ee soomaliyeed.
Markii dalka ay mar kale ka dhaceen dagaallo ahli ah ayuu Siyaasigu si KMG ah ugu dhoofay wadanka Mareykanka, isagoo 12-sano kaddib dalka dib ugu soo laabtay, wuxuuna hoosta ka xariiqay inaanu weli ka caajisin dadaaladiisii uu ku raadinayay midnimadii shacabka Soomaaliyeed ee ku kala irdhoobay dagaaladii ahliga ahaa ee dalka ka dhacay.
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|