Somali News
    Hees  

Kooxo wajiga soo duubtay oo goordhow laba ruux oo dhalinyaro ah ku dilay Xaafada Suuqa Xoolaha

Mogadishu Axad 15 July 2012 SMC


Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!


 

Kooxo wajiga soo duubtay oo goordhow laba ruux oo dhalinyaro ah ku dilay Xaafada Suuqa Xoolaha.

Wararka goor dhow aan ka heleyno degmada heliwaa ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo u hubeysan baastoolado ay toogteen 2 ruux oo sida la sheegay shacab ahaa kuwasoo ay u hadleern qaar ehalada ka mid ah.
Wiilasha la dilay midkood ayaa lagu sheegay magaciisa abuukar yare waxaana lagu toogtay baramaha xaafada suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho markii rag cimaado indhaha ku soo duubtay ay dhowr xabadood ku dhuteen.

Nin walaalo la ah mid ka mid ah kuwa dhintay ayaa sheegay in walaalkiis uusan aqoon sabab lagu bartilmaameedsan karo madaama uu ahaa shaqsi aan wax lug ku laheyn dhinacyada isku haya arimaha soomaaliya.

Dilka labadaani ruux ayaa ku soo aadaya xili xaafada suuqa xoolaha ay dib ugu soo laabanayaan dadkii ka qaxay xiligii dagaalada inkastoo wali ay furun dagaal tahay xaafadaasi.

Sidoo kale isla xaafada suuqa xoolaha waxaa maalmo ka hor lagu dilay ilaa 4 ruux kuwaasoo saq dhexe lagu soo weeraray gurigooda iyagoo hurdayay waxaana la sheegay in dilkaasi ay ka danbeeyeen xoogaga alshabaab.

Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com 
www.somaliweyn.com 

Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!

Somaliweyn Media Center (SMC)

Somaliweyn Media Center (SMC)