|
Maalintii 94aad ee Maxkamadda Hamburg la soo taagay Burcad-badeedda Soomaaliyeed
Mogadishu Axad 15 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Maalintii 94aad ee Maxkamadda Hamburg la soo taagay Burcad-badeedda Soomaaliyeed.
Hamburg/Jarmal : Burcad-badeed ku labistaan Surwaal isboorti ah iyo kabo Shirkadda addis ah. Waxaana dhegaha ugu jira Samaacadaha maqalka si ay u fahmaan waxa dadkan Qamiisyada madmadow xidhan ay iyaga ka doonayaan.
Kalimad kasta oo lagu hadlo waa loo turjumayay: Maxaa Af Somaliga lagu yidhaahdaa “ Pflichtverteidiger”? waxaa lagu yiraahdaa “Garyaqaan difaace ah oo ay dawladu u qabato qof walba oo aan haysan dhaqaalo uu isku difaaco ”. , Maxaa Afka Somaliga lagu yidhaahdaa “U-haft”? “U-Haft= Untersuchungshaft” waxay afka Somaliga u dhigantaa “ Xabsiga in lagu hayo eedaysanaha inta uu ku socoto baaritaanka”. Waana maxkamadii ugu horaysay intay ka dambeysay sanadkii 1401 ee lagu soo saaray Klaus Störte-beker magaaladda Hamburg.
Maxkamadda Dambiyadda Culus ee Hamburg oo bilaabatey muddo laga joogo 2 Sanno kana bilaabatey Hoolka 337aad, Faylka lambarkiisu yahay 603 KLs 17/10 oo ay leeyihiin 10ka eedaysane ee Burcad-badeedka Soomaaliyeed. waxaana laga soo qabtay 10ka burcad badeed xeebaha soomaaliya iyagoo ku hubaysan Baasuuke iyo qoryo Culculus kuna qabsaday markab laga leeyayahay dalka Jarmalk a oo magaciisa la yidhaahdo “Taipan”. Waxaa u soo gurmadda markab dagaal oo ka badbaadiyay afduubka, isla markaasna Xabsiga Hamburg u soo gudbiyay Burcad-badeedii Kaasoo ay 27 Bilood ay ku xiran yihiin.
Fadhigii 94aad Maxkamadda waxaa iskugu yimid kuna fadhiyay seddex saf oo dhaadheer , 10ka eedeesan, 20ka difaacayaasha eedeesanayaasha, 4 Garsoore, 4 Garsoore oo Cadaalad-dhowrayaal ah, 9 ka tirsan Ciidanka Xabsiyadda, 2 Turjumaan ah iyo hal qoraa maxkamadeed ah.
Burcad-badeedu ma laha Baasaboor, maalin dhalasho iyo goob dhalsho midna ma la ha. Waxay ogyihiin oo kaliya inay dhasheen xilli roob badan dalka ka da’ay kuna dhasheen Geed hoostiis oo xeebta ku agyaal. Mid ka mid ah wuxuu codsaday inaan la jirdilin, meesha mid kale uu ka codsaday inay dhaqo nafta oga qaadaan. Mid 3aad wuxuu sheegtay inuu 13 jir yahay, balse markii ilkahiiska raajo la saaray, waxaa soo baxday inuu markuu ugu yar yahay uusan ka yareen 17 sano.
Maxkamadda hawsheedii oo si qunyar socod ah ay ku socoto iyo Difaacayaasha oo had iyo jeer codsada in loo yeero marqaatiyo cusub sida Wasiirka arrimaha Dibadda G. Westerwelle, Wasiirkii hore ee Difaaca Th. Zu Guttenberg, Dagaal oogayaal Soomaali ah(Somali Warlords), Shaah ka Ganacsade Muqdisho Jooga, Kaluumaysato Hindi ah, madaxda shirkadda iska leh" Taipan " iyo waxyaalo kale oo badan, taasoo ay maxkamadda ay ka diiday una arkaysay inaysan macquul ahayn, oo ay tahay un mid lagu cuuryaaminayo qaab socodka dacwadda.
Kalfadhigii 94aad wuxuu ku dhamaaday codsi. Habeenaydii qaraynka u ahayd Abul A.M (28Jir) waxay codsatay in eedeedanaha ay difaaca u tahay in la siidaayo, meesha uu xeer Ilaaliyaha kaga dhawaaqey inuu arintaasi sida ugu dhaqsaha badan looga jawaabi doono.
Maxkamaddan oo illaa haatan ku baxday lacag gaaraya hal Milyan oo Euro, ayaa waxaa lagu balamay in laysugu soo noqdo taariikhdu marka ay tahay 30 Bisha Juli iyo 04ta bisha September.
" Waa dacwadii ugu yaabka badnay ee sanadahan " waa sida ay qoreen wargeysyada ka soo baxay dalka Jarmalka.
Waaba siddaa, markay ay Qarnigii dhagaxa Ummad ku jirta iyo Dawlad Qaanuun leh ay kulmaan!!
Maxamuud Axmed Xasan
Web Updating, Somaliweyn Website
xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com
www.somaliweyn.com
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|