|
Shir aqoon is weydaarsi ah oo ka dhacay Warsaw (Poland)
Axad 15 July 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype) |
|
|

Magaalada Warsaw ee dalka Poland ayaa waxaa usbuucaan lagu qabtay shir aqoon is weydaarsi ah oo cinwaankiisu yahay Youth In Action oo ay soo qabanqaabiyeen ururro ku howlan horumarka bulshada oo ka dhisan Yurub.
Shirka oo lagu dhigay markab dushiis ayaa diiradda saarayey doorka dhallinyaradu ku leedahay is beddelka bulshooyinkooda iyo qeybta ay ku yeelan karaan dhismaha dalkooda, qaasatan qaababka ay gacan uga geysan karaan horumarka. Dhallinyaro ka kala socotay wadammada qaaradda Yurub ayaa shirkaa la isugu keenay.
Muddadii usbuuca ahayd ee shirku socday waxaa casharro ka bixinayey mutadawiciin cilmibaareyaal ah oo laga soo casuumay wadammada Yurub. Waxaa cilmibaarayaashaas ka mid ahaa Maxamed Xaaji Ingiriis oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed oo bixinayey cashar ku saabsan maraaxishii dimoqraadiyeynta qaaradda Afrika kontonkii sano ee ugu dambeeyey.
Shirka ayaa soo xirmi doona maalinta Axadda ah.





Naga soo wac halkan (Skype) |
|
Somaliweyn Media Center (SMC)
Somaliweyn Media Center (SMC)
|